Yaman: Waxay U Badantahay In Uu Dembi Dagaal Ahaa Weerarkii Doonta Qaxootiga

Sida muuqata weerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah marineysay xeebta Yaman, ayaa muujinaya baahida loo qabo isla xisaabtan, iyadoo colaadda hubaysan ee dalkaasi ay hadda gashay sanadkii labaad, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay maanta. Dhowr goobjoogayaal ah ayaa sheegay in 16-kii Maarso 2017, ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof oo ka mid ah 145 qaxooti Soomaali ah oo doonta saarnaa iyo qof rayid ah oo Yaman u dhashay. 29 qof oo kale oo ay ku jiraan 6 carruur ah ayaa ku dhaawacmay, waxaana la la’ yahay 10 qof. Sawiro maalintii xigtay doonta laga qaaday ayaa muujinaya burbur kasoo gaaray rasaas hawada looga soo riday.
 

News