Skip to main content

Soomaaliya: HorumarXaddidan oo Laga Gaaray sidii Rayidka loo Ilaalin Lahaa

Fursadaha la Lumiyay Sidii loo Yareyn Lahaa Tacaddiyada ay Geystaan Kooxaha Hubaysan

(Nairobi) – Dowladda Soomaaliya ayaa horumar xaddidan kasamaysay 2014-kii sidii bulshada rayidka ah looga ilaalin lahaa tacaddiyada ay kagaystaan xooggaga hubeysan dalka uu dagaalka muddada dheer ka socday, Human Rights Watch ayaa sidaa manta ku sheegtay Warbixinteeda Caalamka ee 2015-ka.Bulshada soo barakacday ayaa ah kuwa aadka ugu nugul tacaddiyada galmada iyo in khasab looga raro meelaha ay degan yihiin, iyadoo kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al-Shabaabna ay weeraro la beegsadeen dadka rayidka ah.

“Dowladda Soomaaliya ayaa 2014-kii lumisay fursado muhiim ah oo ay kumeel marin lahayd isbadelo lagu yareyn lahaa tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha,” sidaa waxaa sheegtay Leslie Lefkow, oo ah Agaasime ku-xigeynka waaxda Afrika ee Human Rights Watch. “Rayidka ayay mar kale dhibaatada ugu weyn kazoo gaartay gaabinta ay dowladda ka gaabisay inay yareyso tacaddiyada ay geystaan kooxaha hubaysan oo ay garsoorka iyo caddaalada mudnaanta siiso” intaa ayey kudartay.

Sida ku xusan bogga 656 ee Warbixinta Caalamka, ee daabacaadda 25-aad, Human Rights Watch waxa ay dib u eegid ku samaynaysaa falalka xuquuqda aadanaha ee in ka badan 90 dal. Qoraalkiisa hordhaca ah, ayuu Agaasimaha Guud ee Human Rights Watch, Kenneth Roth, waxa uu ku boorinayaa dowladaha inay aqoonsadaan in xuquuqda aadanaha ay horseedo in la helo nidaam wanaagsan oo la isku hago xilliyada ay dhibaatooyinka jiraan, iyo in ku tacaddinta xuquuqda aadanaha ay keeni karto ama ay sii ballaarin karto amni darro ba’an. Faa’iidada waqtiga dhaw ah ee laga helo in la liido dhaqamada wanaagsan ee xornimada iyo faquuq la’aanta ayaanan u qalmin qiimaha laga helayo waqtiga fog.

Gudaha Soomaaliya, isbadeladii la doonayay in lagu sameeyo cadaaladda iyo qorshayaashii kale ee ay dowladdu ku horumarin laheyd la xisaabtanka ciidammada hubaysan ayaa waxaa hakiyay isqabqabsi siyaasadeed iyo iskushaandhayn lagu sameeyay xilal sarsare, xiisado ka taagan arrimaha federaalka,iyo amnidarri ka jirta meelaha ay dowladda ka taliso.

Dowladda ayaa kuguul daraysatay inay ilaaliso boqolaal kun oo barakacayaal ah oo xaalad adag kunool daafaha caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo halis ugu jira in si khasab ah loo raro iyo tacaddiyo xun oo kale. In kastoo dawladda ay dajisay qorshe dhamaystiran oo ay kula tacaalayso heerarka walaaca dhaliyay ee tacaddiyada galmada ee kadhaca wadanka oo dhan, ayaa fulintiisa waxay ahayd mid gaabis ku socotay mana aanay jirin wax ilaalo asaasi ah oo ay heleen dadka sida weyn ugu nugul tacaddiyada.

Dowladda ayaa maxkamadda milateriga kumaxkamadaysay xubno lagu tuhunsan yahay inay Al-Shabaab yihiin ama ay taageeraan, iyo sidoo kale askar milateri ah, balse maxkamadaynta ayaan gaarsiisnayn heerka caalamiga ah. Maxkamadda ayaa inta badan ridda xukuno dil ah oo ugu yaraan 15 qof ayaa xukun dil ah lagu fuliyay sanadkii 2014.

Dagaallo, amni darro iyo cagajuglayn ay la kulmayeen dadka rayidka ah ayaa kubaahsanaa dhammaan deegaanada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin goobaha ay dowladda gacanta kuhayso, Human Rights Watch ayaa sidaasi sheegtay.Al-Shabaab ayaa  waxay weerareen dad rayid ah iyo goobo ay leeyihiin rayidka,waxaana ay fuliyeen dilal qorshaysan. Dadaaladii ay dowladdu ku doonaysay inay ku samayso maamulo federaal ah oo ay taageersan tahay beesha caalamka, ayaa huriyay dagaalo qabiil oo aad loogu hoobtay. Ciidamada dowladda ayaa ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay goboka Shabeelaha Hoose.

Qaarka mid ah askarta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa tacaddiyo galmo ugu geystay xeryaha ay ku leeyihiin Muqdisho, gabdho iyo haween barakacayaal ah. Midowga Afrika iyo wadammada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya eeYugaandha iyo Burundi ayaa bilaabay baaritaano eedaymahan ku aadan.

“Dowladda Soomaaliya ayaanan weli muujin awoodda ay u leedahay inay siiso ilaalo asaasi ah bulshada ku nool goobaha ay ka taliso,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Dowladda iyo taageerayaasheeda caalamiga ah ayaa loo baahan yahay inay sare u qaadaan dadaaladooda ay wax uga qabanayaan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ku baahsan Soomaaliya.”  Sidaa ayay hadalkeeda ku soo gabagabaysay.
 

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country

Related content