Haweeney kasoo qaxday degmada Iimey ee zone-ka Godey ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hortaagan gurigeeda cooshadda ah ee ku yaal xerada Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya. Carruurteeda ayay ula soo carartay Kenya ka dib markii ninkeeda ay dileen ciidamada Itoobiya bishii Disembar 2007.

© Evelyn Hockstein

Waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya inay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale.

Cabdi Maxamuud Cumar (oo sidoo kale loo yaqaan Cabdi Iley) ayaa 6-dii Agoosto xilka ka degay, ka dib rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga oo ciidanka Liyu booliska iyo dhalinyaro daacad u ah Cabdi Iley ay ku weerarreen dadka deegaanka isla markaana ay gubeen hanti.

“Si looga gudbo wixii dhacay, waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya xaqiijinta in cadaalad loo helo tacaddiyada argagaxa leh ee mudada ka badan tobanka sano ka dhacayay deegaanka Soomaalida,” ayay tiri Maria Burnett oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee Bariga iyo Geeska Afrika, oo intaa ku dartay, “Waa in ajendayaasha isbedelka ah ee Ra’iisal Wasaare Abiy ay ka mid noqdaan in dadka mas’uulka ka ah tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, si kasta oo ay u awood badan yihiin, ay cadaaladdu qabato.”

Deegaanka Soomaalida, oo ku yaal meel muhiim ah isla markaana dhaca soohdinta kala qeybisa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa waxaa muddo ka badan toban sano ka dhacayay tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo xooggaga Liyu boolis. Tan iyo sanadkii 2007, waxaa aad loo xaddiday baaritaannada ku aaddan waxa ka socda gobolka. Waxaa la xayiray galaangalka ay weriyayaasha, hay’adaha gargaarka, kuwa xuquuqda aadanaha iyo kormeerayaasha madaxa bannaan u leeyihiin deegaanka.

Tacaddiyada ayaa si gaar ah usii batay tan iyo sanadkii 2007, xilligaas oo dagaalkii u dhexeeyay jabhadda ONLF iyo ciidamada difaaca Itoobiya uu sare u kacay. Dowladda Itoobiya ayaa samaysay ciidanka Liyu boolis (oo luuqada Amxaariga loola jeedo “mid gaar ah”) kaasoo sanadkii 2008 noqday mid si ballaaran loogula dagaallamay jabhadda isla markaana ka amar qaadanayay Cabdi Iley oo xilligaasi ahaa madaxa ammaanka ee deegaanka, ka dibna muddo sideed sano ah hayay xilka madaxweynaha dowlad deegaanka.

Warbixin ay Human Rights Watch baahisay 2008 ayay ku ogaatay in xooggaga ammaanka ee Itoobiya iyo jabhadda la dagaallamaysay ay dembiyo dagaal geysteen intii u dhaxaysay bartamihii 2007 ilaa horraantii 2008, iyo in ciidamada Itoobiya ay mas’uul ka ahaayeen dembiyo ka dhan ah aadanaha marka la eego dilalka, jirdilka, kufsiga iyo barakicinta qasabka ah ee la diiwaangeliyay. Human Rights Watch ayaa ogaatay in ciidamada Itoobiya ay si xoog ah ku barakiciyeen bulshooyin dhan oo reer miyi ah, ay gubeen oo ay burburiyeen tobanaan tuulo, ayna dil bareer ah u geysteen in ka badan 150 qof, kuwaasoo qaarkood meelo fagaara ah lagu toogtay si loo argagax geliyo bulshada deegaanka. Xooggaga ammaanka ayaa sidoo kale qaab sharci darro ah ku xiray boqolaal qof oo rayid ah, kuwaasoo badankood la jirdilay, garaacay, kufsaday ama loo geystay xadgudubyo kale oo galmo ah.

Human Rights Watch ayaa marar badan u ololeysay sidii baaritaan madax bannaan loogu samayn lahaa dembiyadda xilligaas dhacay. Sanadkii 2008, Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Itoobiya ayaa bilowday baaritaan ay uga jawaabayso warbixinta Human Rights Watch, balse qaabka loo sameeyay ayaan ahayn mid madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo, waxaana uu meesha ka saaray xaqiiqda ah in dowladda ay door ku lahayd tacaddiyadaasi.

Waxaa loo baahan yahay baaritaan cusub kaasoo ay tahay in lagu eego kaalinta iyo mas’uuliyadda ay leeyihiin askarta milateriga Itoobiya ee amartay ama ka qeyb qaadatay weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah xilliga ay meesha xun maraysay colaadda, ayay tiri Human Rights Watch. Waxaa intaa dheer in saraakiisha milateriga iyo kuwa rayidka ah ee ka warqabay ama ay ahayd inay ogaadaan dembiyada noocaasi ah balse aan wax tallaaba ah ka qaadin ay dembiga wax ku yeelan karaan marka la eego mas’uuliyadda taliska.

Inkastoo uu milateriga Itoobiya sanadahan dambe yareeyay dowrka muuqda ee uu ku leeyahay deegaanka Soomaalida, ayaa haddana ciidanka Liyu boolis ee ka amar qaadanayay Cabdi Iley waxa uu sameeyay tallaabooyin xadgudub ah oo uu ku beegsanayay dadka looga shakiyo inay taageeraan jabhadda ONLF. Ciidankan ayaa tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa marar badan lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dilal sharciga khilaafsan, jirdil, kufsi, rabshado ka dhan ah dadka deegaanka Soomaalida iyo weliba weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah beelaha deegaanka. Waxaa sidoo kale jira cadeymo muujinaya weerarro ay Liyu booliska ku qaadeen dad degan meelo ka baxsan deegaanka Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Oromiya oo ay weerarayeen tan iyo dabayaaqadii Disembar 2016, taasoo dhalisay dhimashada boqolaal qof iyo barakac baahsan. Waxa ay sidoo kale weerarro ka geysteen gudaha dalka deriska la ah ee Soomaaliya.

Warbixin ay Human Rights Watch baahisay bishii July 2018 ayaa lagu diiwaangeliyay jirdil arxan darro ah oo loo geystay maxaabiista xabsiga dhexe ee deegaanka oo loo yaqaan Jeel Ogaadeen, kaasoo ay inta badan maamulaan Liyu booliska. Maxaabiis soo martay xabsigaasi ayaa qeexay tacaddiyo aan dhammaan lahayn iyo jirdil, ayagoo inta badan aan heli jirin daryeel caafimaad, ka warqabka qoysaskooda, qareennadooda ama xitaa mararka qaar cunno. Waa in la baaro mas’uuliyiinta, oo kuwa ay si lagu kalsoonaan karo ku cadaato inay ka dambeeyeen tacaddiyada ka dhanka ah maxaabiista lagu qaado dacwad dembiyeed ayaga oo aan loo eegeyn darajadooda, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in si gaar ah loo baaro mas’uuliyiinta sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida sida Cabdi Iley iyo Cabdiraxmaan Cabdillahi Burale oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxmaan Labagole.

Marka la eego sharciga caalamiga ah, Itoobiya waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay baarto oo ay maxkamadeyso dadka geysta dembiyada dagaalka, oo ay ka mid yihiin ciidamadeeda. Ma aha in cafis loo fidiyo dadka geysta dembiyada ka dhanka ah aadanaha ama tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha.

Dowladda ayaa tallaabooyin aargoosi ah kula kacday dadka ka hadla tacaddiyada deegaanka ka dhaca. Tusaale ahaan, dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2016 waxa ay xirtay tobanaan ka mid ah ehelada dad Itoobiyaan ah oo ka qeyb qaatay mudaharaad ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia kaasoo looga soo horjeeday maamulka Jigjiga. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa bilooyin xirnaa si loogu ciqaabo falkaasi.

Hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan oo lagu sameeyo tacaddiyada iyo jebinta shuruucda dagaalka ee ka dhacay deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ayaa waxa uu qeyb muhiim ah ka qaadan doonaa ajendaha isbedelka ku salaysan ee Ra’iisal Wasaare Abiy, ayay tiri Human Rights Watch. Waa in howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ee doonaya inay taageeraan isbedellada ballaaran ee socda ay taageero farsamo u fidiyaan dadaalkaasi. Si loo xaqiijiyo kalsoonida, waa in la shaaciyaa waxyaabaha lagu ogaaday baaritaanka ayadoo laga faa’iideysanayo khubarada caalamiga ah.

“Ma aha in dowladda federaalka ay qariso tacaddiyada xajmigaasi iyo noocaasi leh ayadoo eegaysa dano siyaasadeed,” ayay tiri Burnett oo intaa ku dartay, “Hadda waxaa la joogaa goortii lasoo afjari lahaa ku lug-lahaanshaha dowladda federaalka ee tacaddiyada ka dhaca deegaanka Soomaalida, iyo xilligii uu billaaban lahaa isla xisaabtanka.”