Video: Children Unlawfully Detained in Somalia_SOM

Maamullada ka jira Soomaaliya ayaa si sharci darra ah u xira, mararka qaarna maxkamado milateri horgeeya carruur lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabab.

(Washington) – Maamullada ka jira Soomaaliya ayaa si sharci darra ah u xira, mararka qaarna maxkamado milateri horgeeya carruur lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabab, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta shaacisay.

Warbixinta oo ka kooban 85-bog, cinwaanna looga dhigay, “Waa Sida Inaan Marwalba Ku Jirno Xabsi”: Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Wiilasha Lagu Eedeeyay Dembiyada Ammaanka Qaran ee Soomaaliya,” ayaa faahfaahinaysa xadgudubyada ka dhanka ah hanaanka suuban ee sharciga iyo tacaddiyada kale ee tan iyo 2015 ay la kulmayeen wiilasha u xiran dowladda ee loo haysto dembiyo la xiriira Al-Shabab. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ballanqaaday inay si degdeg ah carruurta ay qabatay ugu wareejinyso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka (UNICEF) si dhaqan-celin loogu sameeyo. Haseyeeshee jawaabta dowladda iyo maamul goboleedyada ee ku aaddan ballanqaadkaasi ayaa ahayd mid is khilaafsan, mararka qaarna meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. 18-kii Janaayo 2018, dowladda Soomaaliya ayaa 36 carruur ah ka qabatay Al-Shabab, waxaana ay qaadatay muddo todobaad ah iyo faragelinta Qaramada Midoobay iyo kooxaha u doodad xuquuqda carruurta si loo dejiyo hannaan lagula tacaalayo carruurtaasi.

“Carruurta ay dhibaatada kasoo gaartay Al-Shabab ayaa wajaha khatarta ah in si xun loola dhaqmo iyo xaaladdo kale oo adag inta ay ku jiraan gacanta dowladda,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika, isla markaana qortay warbixintan. Waxa ay intaa ku dartay, “Qaabka aan nidaamsaneyn, mararka qaarna ah xadgudubka ee ay u dhaqanto dowladda ayaa dhibaato ku ah carruurta, waxaana uu sii badinayaa cabsida iyo aaminaad la’aanta laga qabo laamaha ammaanka.”

Askari waardiye ah oo ku sugan xabsi ku yaal Garowe, Puntland, waqooyi bari Soomaaliya bishii Disembar 2016. 54 wiil oo qaarkood ay 12 jir yihiin oo uu ururka Al-Shabab usoo diray inay la dagaallamaan ciidamada Puntland ayaa muddo bilooyin ah ku xirnaa xabsigan. Maxkamad milateri ayaa 28 ka mid ah wiilashaasi ku xukuntay sanado badan, oo ay hadda ku gudanayaan xarun dhaqan-celin oo ku taal Garowe. 

© 2016 Maxamed Cabdiwahab/AFP/Getty Images

Human Rights Watch ayaa waraysatay 80 canug oo ka tirsanaan jiray Al-Shabab, wiilal lagu xiray xarumaha booliska iyo sirdoonka, qareenno, dadka u doodda xuquuqda carruurta iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana ay daraasad ku samaysay hannaanka dacwad qaadidda maxkamadaha milateri, waxayna booqatay laba xabsi.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tan iyo sanadkii 2015 maamullada ka jira guud ahaan Soomaaliya ayaa xiray boqolaal wiil oo looga shakiyay inay si sharci darro ah ugu biireen Al-Shabab. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Soomaaliya waxa uu waajib ka saaran yahay inay garawsato xaaladda gaarka ah ee carruurta, oo lagu tilmaamo qof kasta oo ka yar 18 jir, kuwaasoo loo qortay ama loo adeegsaday colaadaha hubaysan, ayna ka midka yihiin falalka la xiriira argagixisanimada, isla markaana ay gacan ka geysto dib u soo kabashadooda iyo sidii ay markale uga mid noqon lahaayeen bulshada. Carruurta ka qeyb qaatay dagaallada ururada hubaysan waxaa lagu maxkamadeyn karaa dembiyada waaweyn ee ay galeen, balse hannaanka sharci waa inuu la jaanqaadaa heerarka garsoorka carruurta, waana in la tixgeliyaa qaabab kale oo aan garsoorka ahayn.

Maamullada Soomaaliya ayaan si nidaamsan ula tacaalin kiisaska ammaanka ee ay carruurta ku lug leeyihiin, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Inkastoo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda horay u qireen inay xiraan wiilasha loo arko inay “khatar weyn ku yihiin ammaanka,” ayaa haddana Human Rights Watch waxa ay ogaatay in arimo ay ka mid yihiin maqaamka bulsho-dhaqaale, beesha uu kasoo jeedo iyo caddaasi dibedda ah ay saameyn ku yeelato go’aan ka gaarista kiiska wiilka la xiray.

Wiilasha lagu soo qabtay hawlgallada ammaanka ayaa inta badan waxaa gacanta ku haya laamaha sirdoonka, gaar ahaan Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida (NISA) ee Muqdisho iyo Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIS) ee Bosaaso. Hay’adahaasi ayaa go’aansada qaabka ay u kala qeybinayaan carruurta, mudada ay xirnaanayaan iyo haddii ama goorta ay ku wareejinayaan UNICEF. Waxaa aad u kooban dusha kala socoshada madaxa bannaan ee hannaanka baaritaanka iyo goobaha ay carruurta ku xiran yihiin.

Saraakiisha iyo waardiyayaasha xabsiyada ayaa carruurta u geysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin inay qasbaan, su’aallo weydiiyaan, isla markaana u diiddaan inay la kulmaan ehelkooda ama qareennadooda. Carruurta ayaa loo hanjabaa, mararka qaarna loo geystaa garaac iyo jirdil si loogu qasbo inay dembi qirtaan, ama loo ciqaabo cabashadooda ama rabsho ka dhacday xabsiga gudihiisa awgeed. Wiil 16 jir ah oo sanadkii 2016 bilooyin ku xirnaa xarun ay leedahay NISA ayaa yiri: “Habeenkii waxay iga saari jireen qolkeyga, waxayna igu cadaadin jireen inaan dembiga qirto. Mid ka mid ah habeennadaasi waxay igu garaaceen wax u eg ul bir ah. Laba todobaad ayuu dhiig iga socday, balse ma jirin cid i daweysay.”

Carruurta ayaa sidoo kale sheegay in lala xiray dad waaweyn, ayna xaalad adag ku sugnaayeen maalmo, ayagoo aan arag ehelkooda. Wiil 15 jir ah oo lagu qabtay hawlgal ballaaran oo dhacay 2017, muddo todobaadya ahna u xirnaa NISA ayaa yiri: “Habeenkii ma seexan karin, maadaama uu qolku ciriiri ahaa. Waxaa i hayay madax xanuun daran, balse ma helin wax daawa ah.”

Inkastoo dacwadaha dembi ee lagu qaado carruurta aanay sidaa ugu badneyn Soomaaliya, ayaa maamullada jira waxay adeegsadaan sharci waa hore ah si ay carruurta ugu xukumaan maxkamadaha milateri, ayagoo laga dhigayo inay yihiin dad waaweyn, waxaana dembiyada ammaanka ee lagu eedeeyo ka mid ah in carruurta ay ka tirsan yihiin Al-Shabab, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Tan iyo 2016, tobanaancarruur ah ayaa maxkamad milateri lagu soo taagay Puntland oo keliya. Carruurta ayaa wajaha maxkamadeyn ka hooseysa heerarka asaasiga ah ee garsoorka carruurta, ayadoo ay kooban tahay awoodda ay u leeyihiin inay helaan qareenno difaaca, caddeyn ahaana loo adeegsaday qirasho qasab looga keenay carruurtaasi.

Wiilal uu markii hore adeegsaday ururka Al-Shabab, ka dibna ay qabteen ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa sheegay inay dareemayaan in laba jeer la xannibay, lana dhibaateeyay. “Waxaan dareemayaa cabsi iyo niyad jab,” ayuu yiri will 15 jir ah oo u afduubnaa Al-Shabab, ka dibna loo diray inuu ka dagaallamo Puntland bishii Maarso 2016, halkaasoo lagu qabtay laguna xukumay 10 sano oo xabsi ah. “Al-Shabab waxay igu qasbeen arinkan, ka dibna dowladda ayaa igu xukuntay muddo dheer.’’

Inkastoo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay tan iyo sanadkii 2015 ku wareejiyeen hay’adda UNICEF carruur tiradoodu dhan tahay 250 canug si dhaqan-celin loogu sameeyo, ayaa waxa ay taasi ku timid ololeyn joogta ah iyo ka dib markii ay carruurta muddo ku jireen xabsiyada.

Waa in maamullada Soomaaliya ay joojiyaan xariga aan loo meeldeyin ee ka dhanka ah carruurta, ayna ogolaadaan hannaan madax bannaan oo lagula socon karo carruurta xiran, oo ay ka warqabi karaan ehelkooda iyo qareennadooda. Haddii carruurta lagu qaadayo dembiyada waaweyn, waa in la horgeeyaa maxkamaha madaniga ah si waafaqsan heerarka garsoorka carruurta, ciqaab kasta oo la mariyana la tixgeliyo qaab bedel u noqon kara xabsiga iyo in mudnaanta la siiyaa sidii ay carruurta dib ugu biiri lahaayeen bulshada.

Human Rights Watch ayaa ku talisay in hawlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa hay’ado rayid ah oo dusha kala socda kiisaska carruurta, ayna kormeerayaal madax bannaan tegi karaan dhammaan xabsiyada, iyo inay ku baaqaan in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, gaar ahaan kuwa ay geystaan saraakiisha sirdoonka.

“Waa in dowladda Soomaaliya ay carruurta ula dhaqantaa inay dhibbanayaal u yihiin colaadda, ayna xaqiijisaa in carruurta, oo aan loo eegeyn dembiyada loo haysto, ay helaan difaaci asaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin carruurta oo dhan, ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay, “Maamullada ka jira guud ahaan Soomaaliya waa in ay wanaajiyaan dusha kala socoshada carruurta xiran, ayna mudnaanta siiyaan dhaqan-celinta carruurtaasi. Hawlwadaagayaasha caalamiga ahna waa inay gacan ka geystaan dardargelinta dadaallada lagu samaynayo garsoor gaar u ah carruurta.”