Qaabkee ayay marka hore carruurta ugu biiraan Al-Shabab?

Ururka Al-Shabab ayaa adeegsada qaabab badan oo uu ku qorto carruurta, sida sasabasho, khiyaano iyo qasab. Waxa cadaadiska noocan ah u nugul bulshooyinka reer miyiga ah ee aan haysan difaaca badan.

Qaar ka mid ah wiilasha aan la hadlay ayaa ii sheegay in qori caaraddii looga watay dugsiyada Quraanka ee diinta lagu baro. Mararka qaar waxaa loo sheegay inay ka qeybgalayaan tartan Quraan aqris ah. Wiil ka qeybgalay kuna guulaystay tartankaasi ayaa filayay in dugsi kale la geynayo, balse waxaa xilli habeen ah watay oo xero tababar geeyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabab. Waxaa lala tababaray carruur kale, ka dibna waxaa loo diray Puntland si uu halkaa uga dagaallamo. Aabihii ayaa ku dhiirageliyay inuu ka qeyb qaato tartanka Quraan aqriska, maadaama uu filiyay inuu ku guulaysan doono lacag ama abaalmarin kale. Wiilka ayaa xirnaa markii aan la hadlayay, aabihiina waxa uu ka qoomamaynayaa inuu ku booriyay tartankaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa sameeya hawlgallo ballaaran oo ay ku sugayaan ammaanka, ayagoo xira deegaannada ay dhawaan ka dhaceen weerarrada. Waxa ay qab qabtaan ragga dhalinyarada ah iyo wiilasha ku sugan deegaankaasi, si ay su’aallo u weydiiyaan. Qaar ka mid ah wiilasha lagu qabtay hawlgalladaasi, isla markaana aan lagu hayn wax caddeyn ah oo la taaban karo, ayaan helin fursad ay xaalkooda uga warramaan, gaar ahaan kuwa aan xiriirka la lahayn Al-Shabab.

Video: Children Unlawfully Detained in Somalia

Somali authorities are unlawfully detaining and at times prosecuting in military courts children with alleged ties to the Islamist armed group Al-Shabab. 

Waa side xaaladda canuga loo xiro inuu ka tirsan yahay Al-Shabab?

Waxay ku jiraan noolal adag. Wiilasha loo qabtay dembiyada ammaanka ayaa muddo bilooyin ah ku jiri kara xabsiyada, ayagoo lagu qasbo inay dembiga qirtaan, isla markaana lagu hayo qolal mugdi ah oo aanay hurdo uga soo dhici karin maadaama ay ciriiri yihiin. Wiil ayaa sheegay inuu madax xannuun daran ka qaaday hurda la’aanta ku dhacday. Waxaa lala xiraa dadka waaweyn, oo qaarkooda ay yihiin dembiilayaal rabsho badan. Wiil ayaa ii sheegay in ninka waardiyaha ah uu garaacay markii uu uga cawday in lala xiray dad waaweyn. Carruurta keliya ee loo ogol yahay inay waalidkooda la xiriiraan ayaa ah kuwa ka dhashay beelaha awoodda leh, ama kuwa dhaqaalaha haysta.

Wiil 16 jir ahaa markii uu bilooyin u xirnaa hay’adda sirdoonka ee xarunteedu tahay caasimadda Muqdisho, ayaa sharraxaad ka bixiyay waraysiyada isdaba joogga ah ee lala yeeshay. Si xun ayaa loo garaacay waxaana jirkiisa ku yaalla dhaawacyo waaweyn. Waxaan jirkiisa ku arkay nabar uu reebay dhaawacaasi.

Waa sidee qeybta carruurta ee xabsiga dhexe ee Muqdisho?

Xaaladda qeybtaasi ayaa ah mid liidata. Inkastoo carruurta ay seexdaan qolal u gaar ah, ayaa haddana waxa ay dadka waaweyn ku dhex jiraan maalinta oo dhan, gaar ahaan xilliyada cuntada lacuno. Marka aan booqannay xabsigaasi, waxa uu canug kasta lahaa joodari u yaalla dhulka shamiitada ah, inkastoo mas’uuliyiinta xabsiga ay na tuseen sariiro eber ah oo markaa loo diyaarinayay qeybta carruurta. Waxa ay u muuqdeen kuwo aan camal badan hayn, marka laga reebo inay ku ciyaaraan garoon weyn oo dusha ka furan, kaasoo ay sidoo kale isticmaalaan dadka waaweyn.

Carruurtaasi ma helaan waxbarasho, inkastoo aan maqalnay in dhawaan laga yaabo in loo bilaabo duruusta qaar.

Maxaa ku dhaca wiilasha marka laga sii daayo xabsiga?

Dhammaan wiilasha aan la hadlay ayaa ka argagaxsanaa waxa ay soo mareen.

Laba wiil ayaa ii sheegay inay ka hareen waxbarashada. Mid ka mid ah ayaa dareemayay in sumcaddiisa la dhaawacay. Canug 15 jir ah ayaa sheegay in ilmaha da’diisa ah aanay xorriyad badan haysan cabsi ay ka qabaan awgeed inay qortaan Al-Shabab ama in ciidamada ammaanka ay xilli xun ku qabtaan meel ay wax ka dhaceen, sidaa awgeedna ay markasta iska ilaaliyaan labada dhinac. Dhowr ka mid ah ayaa sheegay inay joojiyeen waxyaabaha ay wiilasha da’ yarta ah sameeyaan, sida inay asxaabtooda wadooyinka la soo wareegaan.

In ka badan 250 canug ayaa lagu wareejiyay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kala shaqeeya xuquuqda carruurta iyo dhaqan-celintooda. Tallaabadaasi ayaa waafaqsan ballanqaadyo ay dowladda samaysay. Balse inta badan waxay ka dhalatay cadaadis ballaaran oo la saaro mas’uuliyiinta iyo ka dib marka ay carrruurta bilooyin ku jiraan xabsiyada.

Ma jiraa canug si gaar ah kaaga yaabiyay?

Waxaa jiray wiil 15 jir agoon ah, kaasoo lagu qabtay hawlgal ammaan oo dhacay 2015, ka dib markii qof lagu dilay xaafadda uu wiilka ku noolaa. Wiilka ayaa dhawr todobaad ku xirnaa saldhig boolis oo ku yaal Muqdisho. Dadka kale ee lala soo xiray ayaa waxaa soo deystay ehelkooda, balse ma jirin cid u timaaday ama cunno u keentay wiilkan. Saraakiisha saldhigga ayaa sheegay in wiilka uu yahay Al-Shabab mayal adag, maadaama aanu lahayn ehel iyo asxaab.

Wiil kalena asagoo 14 jir ah ayaa waxaa qortay Al-Shabab, waxaana uu ka tirsanaa muddo laba sano ah. Maalin ayuu isku dayay inuu helo telefoon uu kala hadlo qoyskiisa, balse waxaa garaacay dagaalyahannada ururkaasi. Ugu dambeyntii asaga iyo wiilal kale ayaa kasoo baxsaday Al-Shabab.

Wiilal kale ayaa sharraxaad ka bixiyay khatarta ay leeyihiin hawlgallada Al-Shabab, taasoo ah sababta ku qasabtay inay kasoo cararaan. Kuwo badan ayaa xilliga tababarka waxaa ku dhacay cudurka malaariyada. Waxay ku noolaayeen xaalad adag, waxaana ugu darnaa qabowga habeenkii soo dhaca.

Maxay tahay sababta aan loo xiri karin wiilashaasi? Dowladda Soomaaliya waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay iska difaacdo Al-Shabab

Xataa haddii canuga uu galay dembi weyn, waxa uu u baahan yahay difaac. Waajibaadka Soomaaliya ka saaran shuruucda caalamiga ah ayaa dhigaya in xariga uu noqdo go’aanka ugu dambeeya, uuna qaato waqtiga ugu yar, maadaama uu argagax ku riddo carruurta. Waa inay la kulmi karaan ehelkooda iyo qareennadooda. Waana in aan lala xirin dadka waaweyn.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in da’da qaangaarka ay tahay 18 sano, inkastoo shuruucda maamul goboleedyada ay dhigayaan in 15 sano lagu qaangaaro. Carruurta ayaa dembi loo qabsan karaa marka ay yihiin ama ka weyn yihiin 15 sano. Xataa marka ay carruurta geystaan dembiyo waaweyn, waxa uu sharciga caalamiga ah dhigayaa in hannaanka cadaaladda uu si ka duwan dadka waaweyn ula xisaabtamo carruurta, asagoo u fidinaya difaac ballaaran, isla markaana mudnaanta siinaya in la dhaqan-celiyo halkii laga xiri lahaa. Inkastoo Soomaaliya ay leedahay shuruuc khuseeya difaaca carruurta dembiyada lagu soo oogaay, haddana ma aha kuwo inta badan lagu dhaqmo. Waa in shuruucda la is waafajiyo, isbedelna lagu sameeyo si ilmaha Soomaaliyeed loogu difaaco hannaan garsoor oo u gaar ah, isla markaana shaqeynaya.

Maxay waalidiintu samayn karaan haddii carruurtooda la xiro?

Inta badan waraysiyada aan ku salaynay warbixinteenna ayaan qaaday horraantii 2017, ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Waxaa xilligaasi dalka ka jiray dareen rajo iyo niyad wanaag ah. Wiilasha la xiray iyo waalidiintooda ayaa sidoo kale rajo qabay, waxaana ay rumaysnaayeen in cadaalad ay heli doonaan haddii dib loo furo kiisaskooda.

Qaar badan oo ka mid ah waalidiinta aan la hadlay ayaa cabsanayay maadaama carruurtooda lagu xukumay maxkamadda milateriga Soomaaliya. Waxay dareensanaayeen in haddii ay racfaan qaataan, uu xaalkooda sii xumaan karo. Qareennada maxkamaddaasi ayaa ii sheegay in racfaanka uu xaaladda uga daro, inkastoo aanu markasta sidaa ahayn. Inta badan ururka Al-Shabab ayaa carruurta ka qorta deegaannada miyiga ah ee aanay waalidiintu heli karin cadaalad ku aaddan carruurtooda sida xun loola dhaqmay.

Qaab noocee ah ayaad u samaysay cilmi-baaristan?

Waxaan safar ku tegay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka carruurta lagu xiray sida Garowe oo ah xarunta maamulka Puntland. Sidoo kale waxaan tegay deegaannada ay ku badan tahay qorashada carruurta, sida gobolka Baay. Waxaan la hadlay ehellada carruurta si aan u fahmo qaabka loo qabtay ama ay kaga soo baxsadeen Al-Shabab, iyo waxa ku dhacay marka ay guryahooda ku laabteen. Waxaan magaalada Muqdishu ku waraystay wiilal lagu qabtay hawlgallada ammaanka ee halkaa ka dhaca. Sidoo kale waxaan waraystay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho qeybtiisa carruurta, halkaasoo ay ku xiran yihiin carruur lagu xukumay dembiyo la xiriira Al-Shabab.

Waa sidee in laga shaqeeyo dal wajahaya colaad iyo amni darro? Maxaa ku rajo geliya?

Maxaa i rajo geliya? Sheekooyinka la yaabka leh ee ku aaddan harjadka iyo rajada. Waxaa dhiiragelin leh inaan dhagaystay waalidiin, inkastoo ay dhibaato badan carruurtooda kasoo mareen Al-Shabab, iyo xataa markii ay galeen gacanta dowladda, weli aaminsan in hannaanka cadaalada la wanaajin karo.

Waxaa la yaab leh in wiilashaasi ay weli rajo ka qabaan mustaqbalkooda, walow ay ka hareen waxbarashada, ayna is waayeen asxaabtooda. Wiil 16 jir ah oo saddex bilood ku xirnaa xabsi ku yaal Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay waxbarashada uu ka helay xabsigaasi. Taageerada beesha caalamka ayaa sahashay in xabsigaasi uu waxbarasho u fidiyo carruurta ku xiran. Waxa uu ii sheegay in aqoonta uu u leeyahay luuqada Ingiriiska awgeed, uu mustaqbalka noqon doono turjubaan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay qabtaa walaac sax ah oo ku aaddan ammaanka dalka. Haseyeeshee, dad badan ayaa weli rumaysan inay ku faraxsan yihiin inay nala wadaagaan dhibaatooyinka ku dhacay. Ma jirto cid u kuurgashay xaaladda wiilasha ama weydiisay waxa ku dhacay. Sharaf ayay ii ahayd in markii ugu horreysay aan dhagaysto dhibaatooyinka xanuunka badan ee ay ka warrameen wiilashaasi, ayna noo oggolaadaan inaan la wadaagno caalamka.