(Nairobi) – Dowladda Itoobiya waxa ay ku guuldaraysatay in ay la xisaabtanto ciidan si gaar ah u tababaran, oo bishii Juun 2016 ugu yaraan 21 qof ku dilay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay si degdeg ah ugu ogolaataa koox kormeer oo madax bannaan oo caalami ah taasoo baaritaan ku samaysa dilalkaasi iyo tacaddiyada kale ee lagu eedeeyay ciidankaasi loo yaqaano Liyu boolis.

5-tii Juun 2016, askar ka tirsan Liyu boolis ayaa galay deegaanka Jaamac Dubad ee dhanka bari uga yaallaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ka dib markii askari ka tirsan lagu dhaawacay muran dhexmaray ayaga iyo ganacsatada deegaanka. Askarta ayaa bilowday in si aan kala sooc lahayn ay rasaas ugu furaan dadka deegaanka, waxaana ay goobtaasi ku dileen ugu yaraan 14 nin iyo 7 dumar ah, ka dibna waxa ay boobeen dukaamada iyo guryaha halkaasi ku yaallay. Sagaal bilood ka dib, dadka ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in aanay ogeyn wax baaritaan ah oo lagu sameeyay dilalkaasi, isla markaana aanay helin wax magdhaw ah.

Canug yar oo muujinaya dhaawac kasoo gaaray xabadka, kaasoo ka dhashay weerarkii Jaamac Dubad asagoo xilligaas jiray shan bilood. Hooyadii iyo ayeydii ayaa ku dhintay falkaasi, Disembar 2016.

© Xuquuqda sawirka waxaa leh 2016 Human Rights Watch

“Liyu boolis waxa ay dileen 21 qof oo deegaanka u dhashay, waxa ayna burburiyeen bulshada tabarta daran ee ku nool deegaankaasi, balse ma jirto calaamad muujinaysa in dowladda ay ka shaqayneyso sidii caddaalada loo horgeyn lahaa kuwa ka dambeeyay dilalkaasi,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi baare sare oo Human Rights Watch ka tirsan. “Dowladda Itoobiya waa in ay soo afjartaa ka danqasho la’aanteeda ku aaddan howlgalada ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran dadka ku laayaan, waana in ay kormeerayaasha caalamiga ah kala shaqaysaa sidii ay u baari lahaayeen tacaddiyada ay galaan ciidankaasi.” ayuu intaa ku daray.

Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii 2007 deegaanka Soomaalida u samaysay Liyu boolis (oo marka loo fasiro luuqada Amxaariga micnaheedu yahay ciidanka gaarka ah), xilligaasi oo uu meel adag marayay dagaalka u dhexeeya Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya iyo ciidamada Itoobiya. Ciidanka Liyu boolis ayaa sanadkii 2008 noqday mid ku caanbaxay la dagaallanka jabhaddaasi, waxaana xilligaasi madax u ahaa taliyihii ammaanka ee dowlad deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar oo dadka qaar ay u yaqaanaan “Cabdi Iley”. Cabdi Iley ayaa 2010-kii waxa uu noqday madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Liyu boolisna weli asaga ayay hoos yimaadaan.

Ciidanka Liyu boolis ayaa marar badan la sheegay in uu geystay dilal aan sharci ahayn, jirdil, kufsi iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka deegaanka Soomaalida, iyo in uu weerarro aargoosi ah kula kacay bulshooyinka maxalliga ah. Waxaa sidoo kale jira caddeymo sii badanaya oo muujinaya in ciidankan uu weerarro ka fuliyay meelo ka baxsan deegaanka Soomaalida, sida weerarro uu dabayaaqadi bishii Disembar ku qaaday deegaanka Oromiya iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Intii u dhexeysay Disembar ilaa February 2017, ayaa Human Rights Watch waxa ay waraysatay 31 qof oo ah dad ku noolaa deegaanka Jaamac Dubad iyo dad ku sugan deegaanno ka agdhaw, oo ay ka mid yihiin 10 qof oo goobjoog u ahaa dilalkii 5-tii Juun dhacay, isla markaana usoo cararay deegaannada deriska la ah ee Somaliland.

Dadka ka badbaaday iyo kuwii goobjooga u ahaa weerarkii dhacay 5-tii Juun, ayaa sheegay in ciidanka Liyu boolis ay gawaari dhinacyada ka dhigeen deegaanka Jaamac Dubad, ka dibna gudaha u galeen ayagoo rasaas ku furay dadkii suuqa joogay, haween hor fadhiyay dukaamo iyo guryahooda, si toos ahna u bartilmaameedsanayay dadka isku dayay in ay baxsadaan. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in aanay arag cid ka tirsan dadka deegaanka oo hub sidatay ama rasaas ugu jawaabtay ciidanka.

“Rasaasta ayaa dhinac kasta kasoo dhacaysay,” ayay tiri haweeney 40 jir ah, oo intaa ku dartay, “Waxaan kasoo baxay gurigeyga, waxaana arkay dad badan oo cararayay iyo askar dareeska ciidanka xiran oo rasaas rideysay.... anoo wata afarteyda canug ayaan guriga ka cararnay. Ciidanka Liyu boolisna rasaas ayuu nagu ridayay.” Waxa ay sheegtay in laba dumar ah oo daba ordayay ay ku qaylinayeen in ay rasaasta haleeshay.

Intii uu weerarka socday ayaa waxaa deegaankaasi ka qaxay dad badan oo ku noolaa. Maalintii xigtayna, ciidanka Liyu booliska ayaa dadka deegaanka u diiday in ay aasaan 21-ka qof ee halkaa ku dhintay. Dad goobjoogayaal ahaa ayaa u sheegay Human Rights Watch in markii ay kusoo laabteen deegaanka ay arkeen boob baahsan oo loo geystay dukaamada iyo guryaha halkaas ku yaalla, isla markaana laga dhacay raashin, lacag iyo waxyaabo kale.

Todobaadyadii xigay, ciidanka Liyu boolis ayaa deegaannada ku dhaw Jaamac Dubad ka sameeyay howgalo hub ka dhigis ah, waxaana ay xarig iyo garaac kula kaceen tobanaan ka tirsan dadka deegaannadaasi ku nool.

Tan iyo sanadkii 2007, dowladda Itoobiya ayaa adkeysay in weriyayaasha madaxa bannaan iyo kormeerayaasha xuquuqda aadanaha ay galaan deegaanka Soomaalida. Dowladda Itoobiya iyo maamulka deegaankuba waa in ay fududeeyaan sidii ay baarayaal xuquuqda aadaha ah oo madax bannaan, uuna ka mid yahay mas’uulka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dilalka sharciga ka baxsan, ay ugu kuurgali lahaayeen weerarkii Jaamac Dubad iyo tacaddiyada kale ee lagu eedeeyay Liyu boolis, ayay tiri Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay sidoo kale degdeg magdhaw u siisaa dadka ku waxyeeloobay weerarkasi iyo ehelada dadkii halkaas lagu laayay.

Canug yar oo shan bilood jir ah ayay xabbadi lugta uga dhacday intii uu socday weerarkii Jaamac Dubad. Hooyadii iyo ayeydii ayaa ku dhintay falkaasi, Disembar 2016.

© Xuquuqda sawirka waxaa leh 2016 Human Rights Watch

“Weerarka uu ciidanka Liyu boolis ku dilay 21-ka qof ayaa qeyb ka ah tacaddiyo badan oo uu geystay balse aan lagula xisaabtamin,” ayuu yiri Horne oo intaa ku daray. “Xaddiga ay gaarsiisan yihiin tacaddiyada uu ciidankaasi geystay tobankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa keenaysa in loo baahdo baaritaan caalami ah, waana in taageerayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ay dowladdaasi ku cadaadiyaan sidii ay deegaanka Soomaalida ugu ogolaan lahayd baarayaal madax bannaan, si loo xaqiijiyo in aanay dad kale dhibaato kasoo gaarin ciidankaasi.”

Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan warbixinta Human Rights Watch, fadlan hoos eeg

Tacaddiyada ka dhaca Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Deegaanka Soomaalida ayaa ahaa meel ay muddo ka badan toban sano kacdoon heer hoose ah ka wadday Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), waxaana tan iyo bishii Abril 2007 ka socday duulaan ka dhan ah jabhadaasi. Haseyeeshee deegaanka si toos ah uma aanay saamayn dibed baxyadii intooda badan nabdoonaa ee Itoobiya hareeyay tan iyo sanadkii 2015, ama falcelinta uu dhiiga ku daatay ee ay dowladda uga jawaabtay mudaharaadyadaasi.

Warbixin ay Human Rights Watch soo saartay bishii Juun 2008, ayay ku ogaatay in Ciidanka Qaran ee Difaaca Itoobiya iyo Jabhadda ONLF, ay labaduba deegaanka Soomaalida ka gesyteen dembiyo dagaal, muddadii u dhexeysay bartamihii 2007 iyo horraantii 2008, iyo in milateriga uu mas’uul ka noqon karo dembiyo ka dhan ah aadanaha. Tacaddiyadaasi ayaan weligood si madax bannaan loo baarin.

Ciidanka Liyu boolis ayaa la asaasay ayagoo xilligaasi qeyb ka ahaa duulaanka ka dhanka ah jabhadda ONLF. Human Rights Watch waxaa soo gaaray eedeymo lagu qanci karo oo muujinaya in ciidankaasi ay geysteen tacaddiyo ay ka mid yihiin dilal sharciga ka baxsan, jirdil, kufsi iyo xadgudubyo kale oo loo geystay dad rayid ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ama ay u beer nugul yihiin ONLF.

Dowladda Itoobiya ayaa intii sanado ah wararka sheegaya tacaddiyada ka dhaca deegaanka Soomaalida uga jawaabaysay in ay xaddido ama koontaroosho weriyayaasha, ururada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha samafalka ee doonaya in ay galaan deegaankaasi. Dhaleeceynta maamulka deegaanka, gaar ahaan madaxweynaha dowlad deegaanka, Cabdi Iley, ayaa ah wax aan loo dulqaadan gudaha iyo dibedda Itoobiya. Xariga aan loo meeldayin iyo bahdilka lagu sameeyay qoysaska dadka Itoobiyaanka ah ee Australia ku nool ee bishii Juun 2016 ku dibad baxay Cabdi Iley oo xilligaa booqasho ku marayay waddankaasi, ayaa muujinaysa sida maamulka deegaanka Soomaalida uu gacan bir ah ugu hayo dadka dhaliila, ayay tiri Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale heshay caddeymo muujinaya tacaddiyo uu ciidanka Liyu boolis kula kacay dad ku nool qeybo kale oo ka tirsan deegaanka Soomaalida, oo aan waligeed taageero u fidin ONLF, sida degmada Gashaamo ee ay deegaan ahaan u badan tahay beesha Isaaq. Sanadkii 2012, ciidanka Liyu boolis ayaa toogasho ku dilay 10 qof, waxaana tacaddiyo isugu jira jirdil iyo dhac ay ka geysteen afar deegaan oo hoos yimaada Gashaamo. Human Rights Watch ayaa sidoo kale heshay warbixino lagu kalsoonaan karo oo muujinaya dilal aargoosi ah oo ay ciidankaasi kula kaceen dad rayid ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur, kuwaasoo ay Liyu boolis geysteen bilihii Juun iyo Mey ee 2015, ka dib dagaal xuduudda Soomaaliya ku dhexmaray ciidankaasi iyo maleeshiyo beeleed. Koox kormeer ah oo uu sameeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 30 ilaa 40 qof lagu dilay.

Tan iyo Disembar 2016, waxaa soo baxay warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ciidanka Liyu boolis uu weerarro ka fuliyay gudaha deegaanka deriska ah ee Oramiya. In kastoo ay jireen dagaallo goos goos ah oo soohdinta labada deegaan ee Soomaalida iyo Oromada ku dhexmaray xoolo dhaqato Soomaali iyo Oromo ah, mararka qaarna ay dagaalladaasi ku lug lahaayeen ciidanka Liyu boolis, ayaa haddana iska horimaadyadii u dambeeyay waxa ay ahaayeen kuwo ba’an oo ay labada dhinacba hubaysan yihiin. Tobaan dhimasho ah ayaa laga soo sheegay dagaalladaasi, oo ay ku jiraan dad shacab ah oo Oromo ah. Xayiraadda awgeed ayaa waxaa adag in la xaqiijiyo macluumaadkaasi.

Dilalkii Jaamac Dubad ee Juun 2016

5-tii Juun, askari ka tirsan ciidanka Liyu boolis ayaa la dhaawacay, sida laga soo xigtay dad aan markaasi goobta joogin. Askariga ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn dhexmartay ciidanka Liyu boolis iyo rag hubaysan oo aan la aqoonsan balse lala xiriinayo ganacsatada khaadka ee deegaankaasi. Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo weliba warbaahinta qaar, askar ka tirsan Liyu boolis ayaa isku dayay in ay xoog ku wataan gaari ay leeyihiin ganacsatada maxalliga, ka dib markii uu ku dhacay gaari gurmadka degdeg ah oo ay leedahay dowladda. Israsaaseynta ayaa ka dhacday meel u dhaw deegaanka Jaamac Dubad ee degmada Gashaamo, ka dibna askarta Liyu boolis ayaa jiitay gaariga.

Abaare duhurkii ayaa gawaari ay wataan ciidanka Liyu boolis waxa ay galeen Jaamac Dubad, ayagoo sida muuqata raadinaya dableydii ay rasaasta isweydaarsadeen. Toban qof oo isugu jira kuwa weerarka ka badbaabay iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka Liyu boolis uu deegaanka ku billaabay rasaas aan loo meeldayin, si gaar ahna loogu bartilmaameedsanayo dadka baxsanayay. Dadka deegaanka oo ay ka mid yihiin qaar indhaha saaray meydadka eheladooda, ayaa sheegay in ugu yaraan afar haween ah iyo laba rag ah laga toogtay qaarka sare iyo madaxa.

Mid ka mid ah odayaash dhaqanka ayaa sheegay in ciidanka Liyu boolis ay xireen asaga iyo laba oday oo kale xilli ay kusoo wajahnaayeen deegaanka. “Laba kilo mitir ayaan usoo jirnay Jaamac Dubad markii ay ciidanka Liyu boolis inta ay gawaaridooda joojiyeen ka dibna na qabteen. Way i ceejiyeen ka dibna dhulka ayay igu tureen. Laf ka mid ah kuwa qoorta hoose ayaan ka jabay.” Odaygaasi ayaa Human Rights Watch tusay raajo muujinaysa laf jabtay. Waxa uu sheegay in muddo laba bilood ka badan uu u xirnaa asagoo lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah u caawiyay ganacsatada khaadka.

In kastoo ay suuragal tahay in dadka xoolo dhaqatada ah, sida ku nool gudaha iyo agagaarka Jaamac Dubad ay leeyihiin hub fudud oo ay xoolahooda ku difaacaan, ayaa haddana Human Rights Watch waxa ay weyday caddeyn muujinaysa in dadka deegaanka ay maalintaas wax iska cabin hubaysan ah kala hortageen ciidanka Liyu boolis. Haweeney ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in ay aragtay gudoomiyihii hore ee deegaanka oo gurigiisa ku orday si uu qorigiisa usoo qaato markii ay soo galeen ciidanka Liyu boolis, balse ninkaasi la toogtay ka hor inta aanu xabbad ridin.

“Cabdi,” oo ah oday suuqa Jaamac Dubad joogay marka ay rasaaseynta billaabaneysay ayaa yiri:

Gawaarida ayaa si xowli ah kusoo galay deegaanka, ka dibna bareega ayay wada qabteen. [Liyu] booliska ayaa kasoo degay, waxayna durbadiiba xabbad ku billaabeen dadka. Rasaasta kor uma aanay rideyn. Mararka qaar dadka ayay toos u qabad siinayeen rasaasta, ayagoo mararka kalena dabsaarayay meelaha ay dadka ku badan yihiin. Dadku dhinac kasta ayay u cararayeen, balse irid kasta waa laga xiray oo Liyu booliska ayaa taagnaa. Kuwa ay u suuragashay in ay baxsadaan, waxaa ka daba ordayay oo rasaas ku furayay ciidanka Liyu boolis.

Nin 80 jir ah ayaa arkay oday kale oo isku dayay in uu u baxsado dhanka bari ee deegaanka. Waxa uu yiri: “Dhabuuke wuu baxsanayay, waxaana dhabarka ka toogtay askari. Garabka ayay xabbada ka heshay, waji-waji ayuuna dhulka ugu dhacay, halkaas ayuuna markiiba ku naf baxay.”

Canug yar oo shan bilood jir ahaa, ayaa dhaawacmay balse ka badbaaday dilalkii ka dhacay Jaamac Dubad. Hooyadii iyo ayeydii ayaa ku dhintay falkaasi, Disembar 4, 2016. 

© Xuquuqda sawirka waxaa leh 2016 Human Rights Watch

Haweeney dhalinyaro ah oo haysatay wiil shan bilood jir ah ayaa waxaa dishay rasaasta dhacaysay. Wiilka yarka ah ayaa isaguna waxa ay rasaasta uga dhacday feeraha iyo lugta, balse waa uu badbaaday. Hooyada dhashay gabadhaasi iyo weliba qof dariskooda ah ayaa ka mid ahaa dadkii la dilay. Qof dumar ah oo ka tirsan qoyskaasi ayaa sharraxday rasaasta ku taallay dadkaasi.

Walaashay waxa ay rasaastu uga dhacday qeybta hoose ee gacanta iyo madaxa, Hooyadayna waxa ay ka heshay naaska bidix hoostiisa. Haweeneyda kale ee dariska ah waxa uu dhaawac weyn uga yaallay feeraha bartankooda.

Intii ay rasaastu socotay ayaa tiro dad ah waxa ay u carareen masjidka deegaanka, si ay gabbaad uga dhigtaan. Askar ka tirsan Liyu boolis ayaa dabagalay oo rasaas ku furay albaabka hore ee masjidka. Nin oday ah oo lagu magacaabo “Cabdiraxmaan” ayaa halkaasi lugta looga dhaawacay asagoo masjidka ku dhex jira.

Ugu yaraan laba nin oo kale ayaa waxaa u suuragashay in ay ku baxsadaan albaabka kale ee masjidka. Maxamed oo 60 jir ah ayaa yiri, “Ina adeeerkay waxa uu ku baxsaday albaabka masjidka ee dhanka suuqa. Madaxa ayay ka toogteen. Way raacdaysanayeen oo qiyaastii 5 mitir ayay u jireen. Laba ayaa ku dabajirtay, laba kalana way soo daba ordayeen, laba kale oo dheeraad ahna way soo daba socdeen.”

Rasaasta ayaa guud ahaan socotay muddo saacad ah.

Ciidanka Liyu boolis ayaa ilaa iyo galabkii dambe meel bannaan ah ku hayay dhowr qof oo rag iyo dumar isugu jira. Wiilka yar ee dhaawacmay ayaa loo dhiibay dadkii ay Liyu booliska hayeen, sida ay habaryartii markii dambe ogaatay. Waxa ay tiri:

Waxaa jiray dumar ay Liyu booliska maxaabiis ahaan ugu hayeen agagaarka Jaamac Dubad. Waxaa la sii daayay afartii galabnimo [6-dii Juun]. Mid ka mid ah dumarkaasi ayaa haysay wiilka aan habaryarta u ahay. Waxaan waydiiyay sida ay ku heleen canuga, waxaana ay ii sheegeen in xubno dowladda ka tirsan oo Gashaamo ka socda ay ugu yimaadeen halka lagu hayay, ayna canuga sidaa ugu dhiibeen. Sarkaalkaasi ayaa dumarka u sheegay in canuga la siiyay gargaarka degdega ah, marka ay soo qaadayeena ay ku dhaganayd hooyadii oo mayd ah.

Dadka deegaanka ayaa ka cararay weerarka, ayagoo u baxsaday miyiga iyo tuulooyinka ku xeeran Jaamac Dubad. Maalin ka dib weerarkaasi, ayaa ciidanka Liyu boolis waxa ay ka horjoogsadeen qaar ka mid ah dadka deegaanka in ay soo laabtaan si ay u aasaan meydka.

“Cabdiraxmaan” ayaa waxaa subixii xigay u suuragashay in uu usoo guurguurto gurigiisa:

Macawistayda dhiig ayaa ka buuxay, oo wax adag ayay noqotay, marka waxaan u baahnaa shay aan isaga bedelo. Markii aan guriga soo galay, ayaa waxaan raadiyay, misana waayay macawisahygii oo dhan. Sidoo kale waxaa guriga ka maqnaa oo laga qaatay joodarigaygii, mara kaneecadii, go’yaashii sariirta, barkimihii, iyi waxyaabo kale.

Waxa uu sheegay in subixii 6-da Juun, xilli ciidanka Liyu boolis iyo kuwa Itoobiyaan ah ay weli dadka u diidayeen in ay galaan deegaanka, asaga iyo nin kale oo dhaawac culus qabay la siiyay gargaar degdeg ah, laguna qaaday gaari gaar loo leeyahay, ayagoo la geeyay isbitaalka degmada Gashaamo, oo qiyaastii 25 kilo mitir u jiray.

Ciidamada ayaa dadka deegaanka u ogolaaday in ay guryahooda kusoo laabtaan galabnimadii 6-da Juun. Dadka Jaamac Dubad oo kaashanaya kuwo ka socda tuulooyinka dariska la ah ayaa aasay meydadkii. Xilliga duugta waxaa meesha joogay saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya iyo Liyu boolis. Laba ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in duqa degmada Gashaamo uu ku amray dadka in ay aamusaan inta ay duugta socotay oo aanay barooran. Dadka deegaanka ayaa qoday god weyn oo ay meydadka ku aaseen, ka dibna waxa ay isaga baxeen deegaankaasi. Haweeney laba ruux oo qoyskeeda ah looga dilay weerarka ayaa tiri: “Cabsi badan ayaa na haysay, waqtiguna waa uu nagu yaraa, marka meydadka oo dhan hal god oo weyn ayaan ku aasnay. Waxaan ka wada shaqeynay sidii aan meydadka u xabaali lahayn. Ciidanka Liyu boolis ayaa meesha tuurnaa.”

Dadka Jaamac Dubad oo ay ka mid yihiin kuwo goobjoog u ahaa dilalka iyo qaar deegaanka gaaray maalinta duugta, ayaa dhammaantood sheegay in weerarka ka dib dukaamo iyo guryo la boobay, oo laga qaatay alaabo ay ka mid yihiin raashin iyo lacag. In kastoo dadka badankiis aanay arkin boobka, ayaa haddana waxa ay rumaysan yihiin in ay geysteen askarta Liyu boolis. Nin ka mid ah dadka lagu hayay deegaanka, ayaa sheegay in galabnimadii 5-tii Juun uu arkay ciidanka Liyu boolis oo bililiqeysanayo dukaankiisa.

Weerarka ayaa dhacay maalmo ka hor bisha barakaysan ee Ramadhaan, sidaa awgeedna goobaha ganacsiga waxaa yaallay alaab ka badan inta caadiga ah. Haweeneyda habaryarta u ah canuga dhaawacmay ayaa tiri:

Walaashayda la dilay ayaa waxa ay ka timid magaalada Hargeysa, waxaana ay tuulada joogtay toban maalmood, ayadoo noo keentay cunto badan iyo sokor. Markii aan guriga ku laabanay ayaa waxaan aragnay cuntadii iyo dharkii oo la qaatay. Waxaan sidoo kale arkay dukaamo badan oo ay jabsadeen.

Xariga aan loo meeldayin iyo si xun ula dhaqanka dadka ee xilliga hub ka dhigista

Todobaadyadii xigay weerarkii 5-tii Juun, ayaa ciidanka Liyu boolis waxa uu sameeyay howlgalo hub ka dhigis ah oo uu ka fuliyay deegaannada ku xeeran Jaamac Dubad, gaar ahaan Bodadheere, Gorgor iyo Ina Nur Muse oo dhammaantood ay degaan beelo ay isku heyb yihiin dadka ku nool Jaamac Dubad. Waxa ay xireen tobanaan qof ayagoo ku hayay xeryo kumeelgaar ah, si dadkaasi ay ugu qasbaan in ay qoryahooda soo saaraan. Human Rights Watch ayaa la hadashay 9 qof oo ka mid ahaa dadka lagu xiray howlgaladaasi. Waxa ay sheegeen in ay la tahay in ciidanka Liyu boolis uu ka baqay in dadka deegaanka ay ka aargoosan doonaan weerarkii Jaamac Dubad awgii.

Dhowr ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in markii lasoo qabtay iyo weliba markii xeryaha lagu hayay, ay askarta Liyu boolis laadeen, kuna garaaceen qoriga baadkiisa, ayagoo uga dhuftay dhabarka iyo garbaha, markii ay soo saari waayeen qori.

Ciidanka Liyu boolis ayaa dadka deegaanka hayay muddo u dhexeysa laba maalmood ilaa bil ayagoo aan wax maxkamad ah soo taagin, waxaana beeshooda lagu amray in ay soo ururiyaan hub ku filan si dadkaasi loo sii daayo. Liyu boolis ayaa sidoo kale xiray dumar si loo keeno hubka nimankooda ama aabayaashood oo aan xilligaa joogin deegaanka. Haweeney ayaa sheegtay in ayadoo canug wadato ay xirneyd laba maalmood. Haweeney kale ayaa sheegtay in ay ka mid ahayd 13 dumar ah oo lagu xiray iskuulka tuulada Ina Nur Muse:

Waxaan xirnaa muddo 13 maalmood ah. Anagoo lix dumar ah ayaa waxaa nalagu hayay hal fasal, halka todobada kalena ay ku xirnaayeen fasal kale. Waxa ay nala dhici jireen baadka qoriga, mararka qaarna waxa ay naga saari jireen fasalka si ay noo garaacaan, oo an noogu qanciyaan in aan ku wareejino qoryaha. Maalintii oo dhan hal mar oo casarkii ah ayay cunto na siin jireen. Waxaan dhalay shan carruur ah, la iima ogolaan in aan arko intii aan xirnaa. Adeerkay oo ku nool tuulada Bilincle ee Somaliland ayaa soo dhiibay qori si la iigu soo daayo.

Dadka ay waraysatay Human Rights Watch ayaa guryahooda kasoo cararay maalmihii xigay weerarka iyo howlgalka. Qaar badan oo ka mid ah ayaan deegaankooda ku laaban taariikhdu markay ahayd bishii Disembar 2016, maadaama ay colaad iyo abaar isu biirsadeen. Qaarkoodna maba jiraan wax u haray oo ay u laabtaan. Haweeney 33 jir ah ayaa tiri: “Xaas ayaan ahaa oo 7 carruur ah ayaan leeyahay. Waxaan haystay dukaan. Balse hadda dukaankii waa la iga boobay, ninkaygana wuu dhintay. Canuga iigu yar waxa uu ahaa toban maalmood jir marka ay waxan dhacayeen. Aad baan u murugsanahay mana rabo in aan laabto, haseyeeshee gurigeyga deegaankaasi ayuu ku yaallaa.