(Nairobi) – Caburinta ay dowladaha Bariga Afrika ku hayeen dibed baxyada nabdoon iyo xoriyadda hadalka, ayaa khatar weyn ku ahayd xuquuqda aadanaha ee gobolka sanadkii 2016, waxaa sidaa lagu sheegay warbixinta caalamka 2017 ee ay maanta soo saartay Human Rights Watch.

Askkar hubaysan ayaa hortaagan dad dowladda Itoobiya ka soo horjeeda oo dibad baxayay mar ay magaalada Bishoftu ee Itoobiya kutaal ka socotay xaflad dhaqan ee loo yaqaano Irreechaa 2-dii bishii Oktoobar ee 2016.

© Xuquuqda sawirka 2016 Getty Images

Laamaha ammaanka ee dowladaha Itoobiya, Uganda iyo Kenya, ayaa awood xad-dhaaf ah oo aan loo baahneyn adeegsaday si ay u kala eryaan dad intooda badan si nabdoon u dibad baxayay, waxaana taasi ay dhalisay dhimasho iyo dhaawac. Sanadkii 2016, boqolaal dibed baxayaal ah ayaa lagu dilay gudaha Itoobiya. Dowladaha Bariga Afrika ayaa sidoo kale adeegsaday qaabab kala duwan si ay u xakameeyaan kuwa dhaliilsan siyaasadahooda iyo si ay u horjoogsadaan shaqada weriyayaasha, waxaana qaababkaasi ka mid ahaa adeegsiga xoog, xarig aan loo meel dayin, iyo kusoo oogidda dacwado dembiyeed. Guud ahaan gobolka oo dhan, dowladuhu waxa ay ku guuldareysteen in ay baaraan oo ay maxkamadeeyaan laamaha ammaanka ee lagu eedeeyay xadgudubyada waaweyn ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Qaxootiga, gaar ahaan kuwa ku nool Kenya ayaa wajahay hanjabaad ah in qasab dalkooda loogu celin doono.

“Dowladaha Bariga Afrika ayaa sanadkii 2016 muujiyay sida aanay u tixgalinayn xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniintooda, gaar ahaan xaqa ay dadka u leeyihiin hadalka xorta ah iyo isu soo baxa,” ayay tiri Maria Burnett, oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Bariga Afrika. “Sidii adkeyd ee ay laamaha ammaanka ula tacaaleen dibed baxyadii ballaarnaa ee ka dhacay Itoobiya, ayaa ahayd arrinta ugu xun ee ka dhacday gobolka.” ayay raacisay.

Warbixinta caalamka oo ka kooban 687 bog, ahna cadadkii 27-aad, ayaa Human Rights Watch waxa ay dib u eegis ku samaysay falalka xuquuqda aadanaha ee ka dhacay in ka badan 90 waddan. Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Guud ee Human Rights Watch, ayaa warbixintiisa hordhaca ah waxaa uu ku sheegay in jiil cusub oo hogaamiyayaal kaligood-talis ah ay isku deyayaan in ay meesha ka saaraan mabda’a ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayagoo xuquuqdaasi u arka sida in ay dhibaato ku tahay rabitaanka dadweynaha. Kuwa u arka in ay ka hareen dhaqaalaha caalamka, si ballaaranna uga cabsada dembiyada dhibaatooyinka wata, gaar ahaan ururada bulshada rayidka ah, warbaahinta, iyo dadweynaha ayaa dowr muhiim ah ka ciyaari kara in ay xaqiijiyaan qiyamkaasi, kaasoo ay ku dhisan yihiin dimuqraadiyadaha xuquuqda ixtiraama.

Dowladaha gobolka oo dhan ayaa si weyn ugu guuldareystay in ay baaraan tacaddiyada ba’an ee ay geystaan ciidammadooda ammaanka, waxaana taasi ay meesha ka saartay cadaaladda ay heli lahaayeen dhibanayaasha, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Laamaha ammaanka ee Itoobiya ayaa si weyn u muquuniyay dibed baxyo ballaaran oo ka dhan ahaa siyaasadaha dowladda, waxaana ay dileen boqolaal qof, halka ay ka xireen tobanaan kun oo kale. Dowladda ayaa markii dambe dalkaasi ku soo rogtay xaalad degdeg ah, taasoo xadiday xuquuqda asaasiga ah, waxaana go’aankaasi uu ka dhashay isbuurasho ka dhacday goob ay xaflad dhaqameed ka socotay, ka dib markii ay dadkii halkaasi ku sugnaa ay ka baqeen qaabka ay laamaha ammaanka ula dhaqmaan dadka isu soo baxa. Dowladda Itoobiya ayaa ku guuldareysatay in ay si wax ku ool ah u baarto dilalka loo geystay dibed baxayaasha iyo weliba tacadiyada kale.

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si khasab ah u watay oo la waayay halka ay geeyeen ugu yaraan 34 qof, xilli ay howlgal ka dhan ah argagixisada ka wadeen gobolka Waqooyi Bari iyo caasimadda Nairobi. Laba qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa markii dambe lasii daayay, in kastoo mid ka mid ah lagu eedeeyay argagixisannimo. Booliska Uganda iyo askar ka tirsan milateriga dalkaasi ayaa dilay ugu yaraan 13 qof, xilli ay sheegeen in ay kusoo qaban rabeen howlgal ka socday gobolka galbeedka Rwenzori. Soomaaliyana, rabshado siyaasadeysan ayaa dhibaato ballaaran u geystay dadka rayidka ah.

Colaadda iyo caddibaada ka socota Suudaanta Koonfureed, Soomaaliya, Burundi iyo dalal kaleba, ayaa dhaliyay in waddamada Bariga Afrika qaarkood ay martigeliyaan boqolaal kun oo qaxooti ah, kuwaasoo natiijooyin kala duwan la kulmay. In kastoo Uganda ay ka shaqeysay sidii ay qaxootigaasi shacabkeeda u dhexgali lahaayeen, ayaa taa bedelkeeda Kenya waxa ay ku xadgudubtay waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee qaxootiga, ayadoo shaacisay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab ee ay u badan yihiin qaxootiga Soomaalida ah. Go’aankaasi ayaa ku qasbay kumannaan qaxooti Soomaali ah in ay dalkooda ku laabtaan, inkaastoo ay weli colaadi ka taagan tahay, halka kuwa harayna ay ka walaacsan yihiin ammaankooda iyo weliba mustaqbalkooda.

Hanjabaadaha iyo rabshadaha ay dowladuhu kula kacaan warbaahinta ayaa weli si weyn uga jira guud ahaan Bariga Afrika. Dhowr weriyayaal madax bannaan ah ayaa tan iyo Sebteembar 2001 ku xiran dalka Eritrea. Weriyayaashaa ayaan weli la horkeenin maxkamad, dalkaasina kama howlgalaan wargeysyo madax bannaan. Sidoo kale, Itoobiya ayaa xirtay weriyayaal iyo shakhsiyaad internet-ka wax ku qora, ayadoo inta badan u adeegsaneysa xeerkeeda Argagixiso La Dagaallanka, qaar badan oo dadkaasi ahna weli xabsiyada dalkaasi ayay ku jiraan. Dowladda Itoobiya ayaa xannibtay telefishinnada dibedda ku yaalla, waxaana ay shucaac ku furtay mowjadaha idaacadaha caalamiga ah sida Deutsche Welle iyo Voice of America.

Soomaaliyana, dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo ururka Al-Shabab ayaa waxyeelooyin la beegsaday warbaahinta, sida cagajugleyn iyo hanjabaadyo. Ugu yaraan laba weriye ayaa ku dhimatay weerarro lala beegsaday gudaha Soomaaliya. Bishii May, maxkamad Kenya ku taalla ayaa mid aan dastuurka waafaqsaneyn ku tilmaamtay qeyb ka mid ah Xeerka Warbaahinta iyo Isgaarsiinta, kaasoo ay booliska dalkaasi u adeegsanayeen in ay kusoo xiraan kuna dacweeyaan weriyayaasha.

Intii ay socotay doorashadii Uganda ka dhacday 2016, ayaa saraakiisha dowladda iyo booliskuba waxa ay xireen oo ay garaaceen in ka badan toban weriye, xilliyada qaarna ayaga oo si toos ah u tebinaya warar. Ugu yaraan 8 weriyaaal Kenyan ah iyo shakhsiyaadka baraha internet-ka wax ku qora, ayaa la xiray oo dacwado lagu soo oogay, ayadoo loo adeegsanaya qodob aan si wanaagsan loo qeexin oo ku yaalla shuruucda cusub ee dalkaasi. Itoobiya iyo Uganda ayaa labaduba xannibay adeegyada internet-ka iyo baraha bulshada kuwada xiriirto, gaar ahaan marka ay jireen dhaliilo ballaaran oo ka dhan ah dowladahaasi, waxaana tallaabooyinkaasi ay ku tilmaameen kuwo muhiim u ah “ammaanka dalalkooda.”

Marxaladaha qaar, dowladaha iyo maxkamadaha qaran ayaa qaaday tallaabooyin wanaagsan oo ay cadaalad ku heli karaan dhibanayaasha ay soo gaareen tacaddiyada xuquuqda aadanaha ah. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay sharci lagu sameynayo Gudiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, kaasoo loo gudbin karo cabashooyinka, isla markaana kormeeri kara xabsiyada iyo goobaha sida sharciga ka baxsan dadka loogu hayo. Xubnaha gudigaasi ayaa si aan horay loo shaacin u booqan kara xabsiyada. Uganda-na, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa xukuntay in uu sharciga khilaafsan yahay xeer uu samaystay Gudiga Fursadaha Siman, kaasoo u ogolaanaya in uu diido cabashooyinka ay usoo gudbiyaan dadka ay bulshadu u aragto “kuwo dhaqan xun oo aan bulsho ahaan la aqbali karin.”

“Ayadoo lagu marmarsiinayo sugidda ammaanka, ayaa jawaab-celinnada xadgudub ah waxa ay ku baaheen guud ahaan Bariga Afrika, kuwaasoo sii fogeeyay bulshooyin horayba loo fuquuqay,” ayay tiri Burnett, oo intaa ku dartay, “Dowladaha gobolka ka jira iyo howlwadaagooda caalamiga ah, waxaa looga baahan yahay in ay xakameeyaan ciidammada tacaddiyada gala, isla markaana ay mudnaanta siiyaan isla xisaabtanka iyo u-dulqaadashada afkaarta is khilaafsan.”