(Nairobi) – Barnaamijka dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya, oo ay huriyeen cabsi iyo macluumaad aan sax ahayn, ayaan gaarsiisneyn heerka caalamiga ah ee sida khiyaarka ah ay qaxootiga dib ugu laabtaan, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Human Rights Watch. Qaxooti badan oo ku nool xeryaha Dhadhaab, oo hooy u ah ugu yaraan 263,000 oo Soomaali ah, ayaa sheegay in ay ogolaadeen ku laabashada dalkooda, maadaama ay ka cabsi qabaan in Kenya ay khasab ku rari doonto haddii ay sii joogaan.

Qaxooti Soomaali ah oo sugaya in ay raacaan basas dib ugu celinaya Soomaaliya, ka dib markii ay dowladda Kenya shaacisay in ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

© Xuquuqda sawirka: 2016 Laetitia Bader/Human Rights Watch

Bishii May 2016, dowladda Kenya ayaa shaacisay qorshayaal ay ku dedejineyso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah iyo xiridda xeryaha Dhadhaab ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari marka la gaaro bisha Nofember. Dowladda Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa wixii markaa ka dambeeyay dardar galiyay Barnaamijka Dib U Celinta Khiyaarka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2013.

Intii ay socotay booqasho bishii Agoosto 2016 ay hay’adda Human Rights Watch ku tagtay xeryaha Dhadhaab, ayaa qaxootiga halkaasi ku nool waxa ay uga warrameen handadaad ay kala kulmeen dowladda Kenya, aamusnaan ku aaddan qaababka kale ee ay kusii joogi karaan Kenya, xog ku filan oo aanay ka helin xaaladda ka jirta Soomaaliya, iyo lacag dhan 400 oo doollar oo ay weynayaan haddii loo tarxiilo Soomaaliya dhammaadka sanadkan. Qaxootiga ayaa sheegay in arrimahaasi ay dad badan ku dhaliyeen in ay hadda isaga laabtaan Soomaaliya, halkaasi oo ay ku wajahayaan khatar, dhibaateyn iyo gaajo.

Video: Camp Closure in Kenya Leaves 260,000 Somali Refugees Without Options

Kenya’s repatriation program for Somali refugees, fueled by fear and misinformation, does not meet international standards for voluntary refugee return.


“Dowladda Kenya ma siineyso qaxootiga Soomaalida ah khiyaar dhab ah oo ay ku kala doortaan joogitaan iyo bixitaan, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootigana dadkaasi ma siiso macluumaad sax ah oo ku aaddan xaaladda ammaan ee Soomaaliya,” waxaa sidaa yiri Bill Frelick oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan xuquuqda qaxootiga. “Ma jiro qaab dadkaasi loogu tixgelin karo in ay si iskood ah u laabteen.” ayuu raaciyay Bill.

Xeerka qaxootiga ee 1951 ayaa mamnuucaya, in hannaan kasta oo la maraba, qaxootiga lagu celiyo deegaan khatar gelinaya naftooda ama xorriyadooda. Hannaankaasi kuma koobna marka qaxootiga la diido ama la cayriyo, balse waxaa qeyb ka ah in cadaadis aan toos ahayn lagu saaro in ay u maleeyaan in aanay jirin waddo kale oo u furan oo aan ka ahayn in ay ku laabtaan waddan ay ku wajahayaan khatar naftood ah ama in lagu dhibaateeyo.

Xeerka caalamiga ah ee qaxootiga ayaa dhigaya in dib u celinta ay khiyaari tahay haddii qaxootiga ay haystaan kala doorasho xor ah oo ku aaddan laabashadooda, ayna si buuxda uga warqabaan xaaladda dalkooda hooyo. Human Rights Watch ayaa Dhadhaab ku wareysatay ilaa 100 qof oo qaxooti iyo magangelyo doon isugu jira, waxaana ay ogaatay in labada xaaladood ee kor ku xusan uusan midkoodna fulin barnaamijka dib u celinta khiyaariga ah ee hadda jira.

Tan iyo inta ay dowladda Kenya ka shaacineyso in qaxootiga ka cabsi qaba ku laabashada Soomaaliya ay dalkeeda joogi karaan, ayna UNHCR iyo howlwadaageeda ay si buuxda oo sax ah qaxootiga ugu wargalinayaan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, dadka ku laabanaya barnaamijka socda ayaa waxay ka dhigan yihiin kuwo khasab lagu celiyay, ayay sheegtay Human Rights Watch.

Qaxootiga ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab uu ka dhigay kuwo dareemaya xannibaad. Waxay ka cabsi qabaan in ay ku laabtaan Soomaaliya, balse dhanka kale waxay ka baqayaan in la xiro oo la tarxiilo haddii ay sugaan taariikhda kama dambeysta ah ee bisha Nofember. Sidaa awgeed, qaar badan oo ka mid ah ayaa door-biday in ay qaataan afarta boqol (400) ee doollar ee qeybta ka ah kaalmada ay UNHCR siineyso dadka laabanaya, sababtoo ah waxay ka cabsi qabaan in haddii aanay hadda qaadan lacagtaas, si degdeg ah oo aan kharash lahayn lagu tarxiili doono dhammaadka sanadkan.

“Waxaan Soomaaliya uga soo qaxnay dhibaatooyin gaar ah, waana kuwo aan weli dhammaan oo taagan,” ayay tiri “Sahra” oo ah 42 jir kasoo jeeda gobolka Hiiraan, isuna diiwaangelisay in ay dalkeeda dib ugu laabato. “Xilligan kuma haboona in aan dib ugu laabano dalkeena. Balse maalin kasta dowladda Kenya ayaa noo sheegta in aan laabano, UNHCR-na nama siineyso macluumaad ka duwan. Waxaan u sheegay in aan laabanayo maadaama aan khiyaar kale lahayn.” ayay raacisay.

Human Rights Watch ayaa si isdaba-joog ah u weydiisay sarkaalka Kenya u qaabilsan Dhadhaab, ahna gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi, waxa ku dhacaya qaxootiga aan ka bixin xeryaha marka la xiro ama in ay sii joogi karaan Kenya. Waxa uu ku jawaabay: “Khiyaarka ay leeyihiin ayaa ah in ay dalkooda aadaan.”

Qaar ka mid ah qaxootiga laga qaaday Dhadhaab ee ku laabtay Soomaaliya ayaa mar labaad dib ugu soo qaxay Kenya, ayagoo kasoo cararay colaadda halkaa ka taagan iyo adeegyada asaasiga ah oo aan jirin. Human Rights Watch ayaa ogaatay in dadkaasi dib ugu soo laabtay Dhadhaab aanay helin diiwaangelin cusub oo qaxootinnimo ama magangelyo doonnimo ah. Taasi ayaa ka dhigtay dad aan lahayn sharci oo aan heli karin cunnada qaxootiga la siiyo.

Qaxooti Soomaali ah oo saf uga jira gudaha xarunta UNHCR ee xerada Xagardhera. Waxa ay sugayaan xafiiska caawinta si ay isugu diiwaangeliyaan dib ugu laabashada Soomaaliya.

© Xuquuqda sawirka: 2016 Laetitia Bader/Human Rights Watch

Qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Soomaalida ah ee tiradooda lagu qiyaasay 335,000 ee ku nool xeryaha iyo magaalooyinka Kenya, ayaa kasoo qaxay colaaddii Soomaaliya ka bilaabatay sagaashameeyadii, ama waxaa dhalay dadkii kasoo qaxay dagaalladaasi ama carruurtooda ayaa sii dhalay. Tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaa jiray qaxooti cusub oo kasoo barakacay abaaraha Soomaaliya ka dhacay, amni darro iyo tacaddiyo ay kala kulmeen ururka Al-Shabab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Cadaawadda iyo tacaddiyada ay la kulmaam qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii uu ciidanka Kenya galay Soomaaliya sanadkii 2011, iyo weerarradii xigay ee ay Al-Shabab dadka badan ku dishay gudaha Kenya muddadii u dhexeysay 2011 ilaa 2015. Dowladda Kenya ayaa 6-dii Mey 2016 si rasmi ah u shaacisay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab; ayadoo eegeysa “ammaankeeda qaran ayay go’aansatay in ay soo afjareyso martigelinta,” waxaana ay ku baaqday in “xeryaha lagu xiro sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Bishii Nofember 2013, dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ayaa kala saxiixay heshiis ku aaddan dib u celin aan khasab ahayn oo loo samaynayo qaxootiga Soomaalida ah, waxaana labada dal iyo UNHCR-ba ay sheegeen in ay xaqiijinayaan in dib u celinta ay ku dhacdo si khiyaari ah oo sharaf leh. Xaaladda ay hadda ku sugan yihiin qaxooti badan oo ah Soomaalida ku jirta Dhadhaab ayaa si weyn u khilaafsan ballaanqaadkaasi, ayay sheegtay Human Rights Watch.

Mas’uuliyiin UNHCR u qaabilsan Soomaaliya ayaa u qiray Human Rights Watch, in qiimeyntooda ay muujineyso in xaaladda hadda ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aanay u wanaagsaneyn in qaaxooti tiro badan si ammaan ah oo sharaf leh loogu celiyo. Qiimeyntii ugu dambeysay ee ay UNHCR samaysay bishii Mey ayaa lagu ogaaday in “Dadka rayidka ah ay weli si weyn u saameyso colaadda, ayna jiraan warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rabshado colaadda la xiriira, isla markaana ay jiraan tacaddiyo galmada ah iyo kuwo lagula kaco dumarka iyo carruurta, askareynta carruurta iyo barakacin ballaaran.”

Macluumaadka ay UNHCR siiso qaxootiga Dhadhaab ee doonaya in ay go’aan xog-ogaalnimo ah ka qaataan dib u laabashadooda, ayaa ah mid aad u kooban oo waqti hore la diyaariyay, mararka qaarna marinhabaabineysa qaxootiga, waxaa sidaa tiri Human Rights Watch.

UNHCR oo qeyb ka ah heshiiskii 2013 ee dib u celinta “khiyaariga ah” ayaa si muuqata ugu howlan fududeynta laabashada kumannaan qaxootiga Dhadhaab ah oo ku noqonaya Soomaaliya. UNHCR ayaa sheegtay in aanay dhiirigelineynin dib u celinta, balse ay u fududeyneyso Soomaalida dooratay in ay si xor ah dalkooda ugu laabtaan, waxayna farqigaasi u sharraxdaa dadka ay ka caawineyso in ay ku kaabtaan goobaha ay u aragto in aanay ammaan ahayn.

Dowladda Kenya iyo UNHCR ayaa wadda olole xaqiijin ah, si ay u yareeyaan tirada qaxootiga u diiwaangashay in ay ku nool yihiin Dhadhaab, ayaga oo go’aan ka gaaraya in dadka ku nool xeryaha ay mudan yihiin in ay halkaasi joogaan. Waxaa xaqiijinta lagu saaray dadka horay isaga diiwaangeliyay xeryaha balse aanu shaqeyneyn kaarkooda cunnada, kuwa magangelyo doonka ah ee aan loo ogolaan in ay isu diiwaangeliyaan qaxooti ahaan iyo dadka la ogaado in ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah. Inta uu socday ololahan, ayaa dhammaan dadka la xaqiijiyay in ay yihiin qaxooti Soomaali ah waxaa la weydiiyay in ay rabaan ku laabashada Soomaaliya oo ay diyaar u yihiin sanadkan. Sida ay sheegtay UNHCR bishii Agoosto, tirada qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ku nool ayaa dhan 263,000 oo qof, halka dhammaadkii bishii Luuliyo ay tiradaasi ahayd 338,000 oo qof. Waxaa muuqata in ay tirada qaxootiga ay isdhintay 75,000 oo qof.

Markii la joogay bartamihii Agoosto, in ka badan 24,000 oo ah qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ayaa ku laabatay dalkooda tan iyo markii uu bilowday hannaanka dib u celinta bishii Disember 2014. Tiro ah 18,110 qof oo qaxooti ah ayaa laabtay sanadkan 2016, ayadoo 10,000 oo dadkaasi ka mid ah ay baxeen ka dib markii bishii Mey ay Kenya shaacisay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab. Dowladda Kenya ayaa u sheegtay Human Rights Watch bartamihii Agoosto in maalin waliba ay dib u noqoshada ka caawiyaan qaxooti ku dhaw 1,000 qof. 29-kii Agoosto, maamul goboleedka Jubaland, oo ah maamul kumeelgaar ah soohdinna la leh Kenya, ayaa hakiyay qaxootiga dib loogu celinayo. Wuxuu sheegay in qaxootiga tirada badan aanu si ku filan wax ugu tari karin. Waxaa socda wadaxaajood ku aaddan sidii dib loogu bilaabi lahaa dib u celinta qaxootiga.

“UNHCR waa ay ogtahay in Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aanay u wanaagsaneyn in dib loogu celiyo qaxooti tiro badan,” ayuu yiri Frelick oo intaa ku daray “UNHCR waa in aanay fududeyn dib u celin kale tan iyo inta ay dawlada Kenya ka sheegeyso in dadka ka cabsi qaba ku laabashada dalkooda ay sii joogi karaan gudaha dalkeeda, ayna UNHCR ka siineyso qaxootiga macluumaad sax ah oo ku aaddan xaaladda ay wajahayaan marka ay dalkooda ku laabtaan.”

Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka dib u celinta, oo ay ka mid yihiin waxa ay ka yiraahdeen qaxootiga, iyo talooyin ku aaddan dowladda Kenya, UNHCR iyo deeq-bixiyayaasha kale fadlan hoos eeg.

Habka Warbixinta loo sameeyay

Cilmi baarayaasha Human Rights Watch ayaa booqday xeryaha Dhadhaab ee Kenya muddadii u dhexeysay 17-kii ilaa 24-kii Agoosto, waxaana ay wareysiyo gaar ah la yeesheen 69 qof oo qaxooti iyo magangelyo doon aan la diiwaangelin isugu jara. Human Rights Watch waxa ay sidoo kale bishii Abriil Dhadhaab ku wareysatay 31 qof oo qaxooti iyo magangelyo doon aan la diiwaangelin isugu jara, muddadaasi oo waxyar ka horreysay inta aanay Kenya shaacin go’aanka ay ku xireyso xeryaha Dhadhaab. Dhammaan dadka la wareystay ayaa lagu wargeliyay ujeedadda baaritaanka, iyo qaabka loo adeegsan doono macluumaadka ay bixiyaan. Human Rights Watch ayaa dadkaasi u sharraxday in wareysiga aanu khasab ahayn oo ciddii rabta ay diidi karto, ama ay ka gaabsan karto ka jawaabida su’aalaha aanay dooneyn, ama ay wareysiga joojin karaan marka ay rabaan. Dadka la wareystay lama siinin wax dhaqaala ah. Kooxda baaritaanka samaysay ayaa 23-kii Agoosto booqatay goob dadka laabanayo lagu siiyo macluumaad oo ku taalla xerada Xagardheer ee ka tirsan Dhadhaab. Magacyada dadka lagu soo xigtay warbixintan ayaa la bedelay si aanay dhibaato usoo gaarin.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale la kulantay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, oo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka deegaanka ay Dhadhaab ka tirsan tahay, hogaamiyayaasha kooxda howlgalka cusub ee dib u celinta qaxootiga Dhadhaab, shaqaale ka tirsan kuwa UNHCR ee Dhadhaab iyo Nairobi iyo tobannaan ka tirsan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ku howlan difaacidda iyo kaalmeynta qaxootiga Kenya ku nool.

Khaladaadka Kenya iyo UNHCR Ee Ku Aadan Shuruudaha Dib U Celinta Khiyaariga Ah

Mabda’ ah in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid aan khasab ahayn ayaa ku cad Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee 2013, kaasoo hagaya dib u celinta khiyaariga ah ee qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya iyo weliba Xeerka Qaxootiga Afrika 1969, kaasoo ay saxiixday Kenya.

Waa in la xaqiijiyaa in dib u celinta qaxootiga ay tahay mid khiyaari ah oo aan ku koobneyn liis la saxo. Buug gacameedka ay UNHCR ugu talagashay dib u laabashada aan khasabka ahayn, ayaa si cad u qeexaya laba shuruudood oo dib u celinta ay ku noqon karto mid khiyaari ah. Kow, in dib u laabashada “lagu saleeyo xaaladda ka jirta dalkii uu qaxootiga marka hore ka yimid (taasoo ku baaqaysa in go’aan qaadashada ay ahaato mid xog-ogaalnimo ku dhisan).” Go’aanka dib u laabashada ee xog-ogaalnimada ku dhisan waa in uu ku salaysnaadaa macluumaad ah “mid ujeeddo leh, sax ah, oo dhexdhexaad ah,” waana “in aanu noqon dacaayad” iyo “in si taxadar ah looga digtoonaado in aan sawir qurux badan laga bixin dib u laabashada.” Qaxootiga waa in si buuxda loogu wargeliyaa xaddidaada ku imanaysa difaacidda iyo kaalmada ay ka helaan UNHCR marka ay dalkooda ku laabtaan.

Laba, in dib u laabashada ay tahay mid khiyaari ah “waa in lagu saleeyaa xaaladda dalka magangelyada bixiyay (taasoo u ogolaaneysa qaxootiga kala doorasho xor ah).” Dadka qaxootiga ah “waa in ay ogaadaan waxa ku dhacaya haddii ay go’aansadaan in iskood ay u laabtaan” iyo in “dib u celinta aanay khiyaari ahayn haddii dalka martigelinaya qaxootiga uu ka qaado xorriyada ay qaxootiga u leyihiin in ay kala doorasho sameeyaan.”

Human Rights Watch ayaa ogaatay in midnaba labadan shardi aan laga helin Dhadhaab.

Cabsi ah Tarxiilid Ka dib Hanjabaadii Xiridda Xeryaha

Dowladda Kenya uma soo bandhigeyso qaxootiga kala doorasho cad oo ah in ay sii joogi karaan ama in ay si badqabta ugu laabtaan Soomaaliya. Qaxooti walwalsan oo ay waraysatay Human Rights Watch, isla markaana doorbidaya in ay laabtaan, ayaa marar badan tilmaamay in go’aankaasi ay qaateen ka dib markii ay dowladda Kenya sheegtay in ay xireyso xeryaha iyo farriimo idaacadaha loo mariyo oo u sheegaya in ay ku laabtaan dalkooda.

Qaar kale ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay waayi doonaan gargaarka la siiyo, haddii ay diidaan in ay hadda labaataan, isla markaana xoog lagu rari karo bilo yar guhadood. UNHCR iyo hay’adaha ay howlwadaaga yihiin ayaa kaalmo siinayay qaxootiga Soomaalida ah ee doorbida in ay laabtaan, kuwaasoo tiradooda ay korortay bishii Luuliyo 2016, waxaana kaalmada ka mid ah in 200 oo doollar oo caddaan qofkiiba lagu siiyo gudaha Kenya, halka 200 oo doollar oo kalena uu helayo marka uu gaaro halka uu ku laabanayo. Waxaa sidoo kale kaalmada ka mid ah waxyaabo aan cunno ahayn iyo kaarar ay ku heli karaan cunno kooban. Si kastaba, ma cadda in cunnada kaararka lagu qaadanayo ay qaxootiga ka heli karaan deegaannada ay ku laabanayaan marka laga reebo Muqdisho.

Qaxooti hortaagan teendhadooda oo ku taalla xerada Ifo ee ka tirsan Dhadhaab, una dhaw soohdinta ay Kenya la leedahay Soomaaliya ee degmada Gaarisa, Kenya, October 19, 2011.

© Xuquuqda sawirka: 2016 Thomas Mukoya/Reuters

“Nooma cadda mustaqbalkeena,” ayuu yiri awoowe 70 jir ah oo ku nool xerada Ifo 2 ee ka tirsan Dhadhaab. “Maxaa nagu dhici doona haddii aan diidno in aan laabano? Ma nala qasbi doonaa bilo yar gudahood? Waxaan dareemeynaa cadaadis badan. Haddii nala qasbi doono, waxaa noo wanaagsan in aan hadda iska qaadano kaalmada, halkii nalaga cayrin lahaa mar dambe.”ayuu raaciiyay.

Nin 69 jir ah oo markii hore kasoo qaxay degmada Qansaxdheere ee Soomaaliya ayaa sidan yiri:

Cidna nooma dammaanad qaado cunno iyo ammaan, balse waxay na weydiiyaan oo keliya in aan laabaneyno. Waxaan ugu jawaabaa haa. Carruurteyda waxay rabaan in ay halkan sii joogaan, balse waxaan ka cabsi qabaa in ay dhibaato soo gaareyso haddii ay haraan.

Nuur, oo ah macallin 33 jir ah oo haysta 3 carruur ah, kana soo qaxay magaalada Kismaayo ayaa sidan yiri:

Dowladdu waxay sheegtay in ay xireyso xeryaha, marka ma sugayo in aan arko waxa dhici doona. Dhowr jeer ayaan arrintaasi ka maqlay idaacadaha. Markii uu socday ololaha hubinta qaxootiga, [kaasoo ay mas’uuliyiintu ku tirinayeen, kuna hubinayeen aqoonsiga qaxootiga] waxay i weydiiyeen in aan diyaar u ahayn ku laabashada dalkeyga, waxaana ku iri Haa, haddii ay Soomaaliya nabad tahay. Balse sababta ugu weyn ee aan u laabanayo ayaa ah go’aanka dowladda Kenya. Weli ma arkin cid xoog lagu raray, balse haddii awood ay adeegsato, waxaan u baqayaa carruurteyda.

Nasra, oo dhawaan kasoo carartay degmada Saakow ee uu gacanta ku hayo ururka Al-Shabaab ayaa sidan tiri:

Qofkasta wuu degdegayaa maadaama aan maqalnay in xeryaha la xiri doono bisha Nofember. Ma maqal cid dhahaysa waan joogi karnaa, balse laabasho unbaa laga hadlayaa.

Hooyo 5 carruur ah dhashay oo kasoo qaxday tuulo u dhow magaalada Bu’aale ee uu ururka Al-Shabab ka taliyo ayaa sidan tiri:

 

Maadaama aanu mustaqbalka noo cadeyn, ma doonayo in inta gaari la igu tuuro dib la ii celiyo, marka waxaan qaadanayaa lacagta.

Tiro ka tirsan shaqaalaha gargaarka ee Dhadhaab ka howlgala ayaa iyaguna walaac muujiyay. Sarkaal sare oo ka tirsan hay’ad caalami ah ayaa sidan yiri:

Waxay ila tahay in kala doorashada ay caddahay: Xilligan la joogo ma jiraan kala doorasho dhab ah. Haddii aanu jiri lahayn go’aanka dowladda Kenya, qaxootigu waa ay joogi lahaayeen, balse waxay ka daaleen in lagu yiraahdo naga baxa. Wadada keliya ee hadda u furan qaxootiga ayaa ah in ay ku laabtaan deegaanno aan ammaan ahayn.

Dhammaan qaxootiga la wareystay ayaa sheegay in aanu jirin mas’uul u xaqiijiyay in ay Kenya sii joogi karaan haddii ay diidaan in ay dalkooda ku laabtaan.

UNHCR ayaan ka hadlin waxa ku dhacaya qaxootiga ku hara xeryaha Dhadhaab marka la gaaro bisha Nofember, ama in ay heli doonaan adeegyada ay hadda haystaan. Shaqaale ka tirsan hay’ad caalami ah ayaa yiri:

UNHCR ayaa aad uga taxadareysa macluumaadka ay bixineyso. Maadaama aanay UNHCR ka hadlayn arrinta, qaxootigu ma helayaan macluumaad ku aaddan waxa dhici doona ka dib Nofember. Waxay u muuqataa in ay leeyihiin waan arki doonaa sida ay wax noqdaan marka xilligaasi la gaaro. Haddii marka xilligaasi la gaaro ay dad badan laabteen, waxaa laga yaabaa in ay xeryaha sii furnaadaan. Inta badan qaxootiga aan la kulmay ayaa ii sheegay in ay laabanayaan maadaama ay ka cabsi qabaan go’aanka Kenya. Balse qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ka walaacsan in ay heli doonaan adeegyada ay haystaan wixii ka dambeeya Nofember. UNHCR kama aanay hadlin arrinkaas.

Hanjabaad ay Geysteen Mas’uuliyiin Kenyan Ah

Qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ayaa si joogta ah ugu sheegay Human Rights Watch, in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ay si toos ah iyo si dadbanba cadaadis ugu saareen in ay ku laabtaan Soomaaliya.

“Waxaan idaacadaha ka maqalnay in khasab nalagu rari doono,” ayuu yiri Nuux oo ah 53 jir ku curyaamay dhaawac kasoo gaaray rasaas badan kuna noolaa xerada Xagardheer tan iyo sanadkii 1998. Waxa uu sheegay in uu idaacad ka maqlay isu-duwaha gobolka Waqooyi Bari Kenya, Maxamuud Cali Saalax, oo qaxootiga u sheegaya in Kenya aanay dalkooda ahayn ee ay ku laabtaan dhulkii ay ka yimaadeen.

Jaraa’idka ayaa soo xigtay Maxamuud Cali Saalax oo leh. “Soomaaliya waa ammaan ee qaxootiga ha u laabteen walaalahood,” iyo in uu u sheegay dadka deegaanka ah in dowladdu ay “tallaabo adag” ka qaadeyso dadka lagu helo ayaga oo qarinaya qaxootiga kasoo carara xeryaha. Waxaa jira muuqaal muujinaya asaga oo leh, “Qaxootigu waxa ay Kenya joogeen 25 sano, intaas ayaa ku filan, waxaa la joogaa xilligii ay dalkooda ku laaban lahaayeen oo ay dhisan lahaayeen.”

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa si cad cadaadis u saaray hogaamiyayaasha xeryaha qaxootiga. Lix hogaamiyayaasha qaxootiga ah ayaa u sheegay Human Rights Watch, in dhammaadkii bishii Luuliyo ay ka qeybgaleen shir uu gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi, Harun Kamau, ugu cagajugleeyay in ay ogolaadaan laabashada ka hor bisha Nofember.

Mid ka mid ah odayaashaasi ayaa yiri:

Markii aan isku dayay in aan u sheego gudoomiye ku xigeenka in dadku aanay laaban karin, oo aanu jirin ammaanka uu dhulkaasi nooga sheegay, waxa uu igu taagay farta, waxaana uu igu amray in aan fariisto. Wuxuu ii sheegay in aan qori qaato oo aan dalkeyga difaaco. Shirkaasi ka dib, ma jirto cid si toos ah noogu sheegtay waxa dhici doona Nofember ka dib. Balse dadka ayaa bilaabay in ay ka walwalaan in marka la gaaro Nofember lagu daabuli doono gawaari waaweyn.

Hogaamiye bulsho oo ku nool xerada Kaambi Caws ee Dhadhaab ka tirsan, ayaa sidan u sharraxay kulan ay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ay la yeesheen hogaamiyayaasha qaxootiga:

Waxay yiraahdeen, ‘Maxaa dadkiinu aanay u dooneyn in ay ku laabataan Soomaaliya?’ Waxaan ahay nin waaya arag ah. Waan aqaanaa hay’adaha dowladda. Waan fahmayaa waxa ay ka wadaan marka ay na weydiiyaan su’aashaasi. Fariinta ay na siinayaan ayaa ah: waa in aad khasab ku laabataan. Waxaa cadaadis dheeraad ah la kulmi doona dadka hara. Waxaan ka cabsi qabnaa in nala dhibaateyn doono. Waxaan maqalnay in dowladdu ay milateriga usoo diri doonto kuwa xeryaha ku hara. Ma sheegi karo in dadka la waxyeeleyn doono, balse waan cabsi jirta.

Macluumaad la’aanta ku aaddan xaaladda sida ay noqon doonto ka dib bisha Nofember ayaa dhalisay jaha-wareer. Haweeney 42 jir ah oo ku nool xerada Xagardheera ayaa sidan tiri:

Dhagahayga kuma maqal, balse madaxda qeybta aan degannahay ayaa la kulmay saraakiisha dowladda, kuwaasoo u sheegay in bisha Nofember ay dowladda xiri doonto xeryaha. Nofember wixii ka dambeeya ma jiri doonaan cunnada iyo waxyaabaha kale ee aan halkan ku haysano. Waa taasi sababta ay dadka hadda u laabanayaan.

Human Rights Watch ayaan diiwaangelin dhacdooyin ay dhawaan xadgudubyo ku geysteen booliska Kenya, balse qaxootiga ayaa sheegay in ay ka war hayaan xadgudubyo hore oo loo geystay xilliyo ay socdeen howlgalo. Intii uu socday howlgalkii Kenya ay ugu magacdartay Usalama Watch ee 2014, ayaa dowladda waxay qaaday tallaabooyin ay xoog ugu celisay qaxooti, iyadoo ay booliska kula kaceen qaxootiga dhibaateyn, xarig aan loo meeldayin, in si khasab ah ay ugu celiyaan xeryaha qaxootiga iyo weliba tarxiilid.

Macluumaadka dalka ay qaxootiga ka yimaadeen oo kooban

Go’aan xog-ogaalnimo ku dhisan – oo ah in si buuxda uu qofka u fahmo xaaladda dalka uu ku laabanayo – ayaa muhiim u ah dib u celinta khiyaariga ah. Ayadoo adeegsaneyso hay’adaha ay howlwadaaga la tahay, ayaa UNHCR looga baahan yahay in ay qof waliba oo laabanaya siiso macluumaad ku aaddan sagaalka deegaan ee qaxootiga looga celinayo Soomaaliya, waana in macluumaadkaasi laga helaa “goobaha xogta” ee ku yaalla shanta xero ee ay ka kooban tahay Dhadhaab. In kastoo UNHCR aanay boorineyn dib u laabashada qaxootiga, balse waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay sida ku cad Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee Nofember 2013, in ay xaqiijiso in qaxootiga ay helaan macluumaad ujeeddo leh oo sax ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Balse Human Rights Watch ayaa ogaatay in macluumaadka qaxootiga Dhadhaab la siiyo uu yahay mid aad u kooban oo waqti hore la diyaariyay, mararka qaarna marinhabaabinaya qaxootiga

Intii ay socotay booqashii ay Human Rights Watch ku tagtay goobta macluumaadka 23-kii Agoosto, halkaasi oo ay qaxootiga doonaya in ay laabtaan isaga diiwaangeliyaan UNHCR, ayaa jawiga waxa uu ahaa mid buuq badan, xogta la bixinayana ay aad u yartahay. Dibedda hore ee xafiiska la buux dhaafiyay, isla markaana isku dhex-daadsanaa, ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal qaxooti ah oo isu garbinayay in ay albaabka u dhawaadaan. Human Rights Watch ayaa aragtay tiro ka tirsan ilaalada gaarka ah iyo ugu yaraan hal askari oo boolis ah kuwaasi oo ulo geed ah ku garaacayay qaxootiga si ay dadka u xakameeyaan.

“Hannaanka diiwaangelinta ayaa ah mid isku dhex yaacsan,” ayuu yiri Nuux oo ah macallin 33 jir ah, asagoo intaa raaciyay “Dad badan ayaa ku sugan xafiiska, waxaana ay qaar badan taagan yihiin bannaanka qoraxda ah. Waxaa sidoo kale goobta jooga askar hubeysan oo mararka qaar garaaca dadka safka ku jira.”

Sarkaalka mas’uulka ka ah goobta macluumaadka lagu bixiyo, ayaa sheegay in ugu badnaan shan daqiiqo oo keliya ay siiyaan qoyskii qaxootiga ah, si loo diiwaangeliyo isla markaana loo siiyo xogta laabashada. Sarkaalkaasi ayaa ugu badnaan waqti u hela in uu qoyska qaxootiga ah siiyo warqad qeexeysa xaaladda deegaanka qoyskaasi uu ku laabanayo. Balse qaar badan oo ka mid ah qaxootiga ayaan helin warqadaasi. Dhammaan 32 qof ee qaxootiga ah ee ay wareysatay Human Rights Watch ee isu diiwaangeliyay in ay laabtaan, mid keliya ayaa helay warqadaasi macluumaadka.

Macluumaadka warqadaasi ku qoran, gaar ahaan xaaladda ammaanka ayaan waafi ahayn, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Xogta ku qoran warqadaasi ayaan la cusbooneysiin wixii ka dambeeyay Disember 2015, in kastoo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya ay inta badan isbedesho. Macluumaadka kooban ee ku aaddan xaaladda ammaanka ayaan si sax ah u qeexeyn arrimaha dadka laabanaya ay la kulmi doonaan.

Tusaale ahaan, warqadaha ku saabsan Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar, ayaa dhammaantood isku si u qeexaya xaaladda ammaan ee goobahaasi ayagoo sheegaya in “Magaaladu waa ammaan, waxaana ka dhisan maamul iyo boolis labisan oo si joogta ah roondo u sameeya.” Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa waxaa lagu daray oo keliya in ay jiraan “kooxo suga ammaanka” sideed degmo. Halka ammaanka Jowhar-na lagu daray “Boolisku waxa ay leeyihiin saldhig, waxaana ay sameeyaan roondo.” Si dhaw haddaad u fiirisid jumladaasi, waxaa ka maqan kalmada “joogta ah” sida lagu sheegay jumlooyinka kale.

Si khilaafsan labada jumlo ee ku aaddan xaaladda ammaanka Muqdisho, qiimeyn ay UNHCR bishii Mey 2016 ka samaysay xaaladaha Soomaaliya, lagana heli karo boggeeda internet-ka, ayaa sidan ku tilmaamtay waxtarka booliska roondada ka sameeya Muqdisho: 
 

Gudaha iyo daafaha Muqdisho, ciidammada dowladda, maleeshiyaadka taabacsan, AMISOM iyo rag lagu tilmaamay “in ay xiran yihiin dareeska ciidanka” ayaa la sheegay in ay dad rayid ah kula kaceen tacaddiyo dhanka galmada ah, oo uu ka mid yahay kufsi. Booliska iyo xooggaga ammaanka ayaa la sheegay in ay dembiyo galaan, ayadoo aanay jirin cid la xisaabtanta. Laamaha ammaanka ayaa la sheegay in ay ku guuldareysteen in ay ka hortagaan, ama ay ka jawaabaan ama ay baaraan falalkaasi dhacay. Garsoorka rayidka ah ayaa la sheegay in aanu inta badan shaqeynin dalka oo dhan. Guud ahaan heerka dembiyada ayaa la sheegay in uu si weyn sare ugu kacay sanadkii 2015.

Cilladaha macluumaadka iyo awoodda la socoshada

Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee 2013, waxa uu si weyn uga hadlay mas’uuliyadaha UNHCR ka saaran in ay la socoto xaaladda dadka laabtay iyo sida ay bulshada u dhexgaleen. In UNHCR ay fuliso arrinkaasi, isla markaana arrimaha ay aragtay uga warranto qaxootiga Kenya jooga ee ka fikiraya laabashada, waxay hay’adaasi u baahan tahay in ay joogitaan muuqda ku yeelato gudaha Soomaaliya.

Sidaa oo ay tahayna, UNHCR iyo hay’adaha caalamiga ah ee kala shaqeeya fulinta ayaa galaangal kooban u leh Soomaaliya. 25-kii Agoosto, UNHCR-Soomaaliya ayaa u sheegtay Human Rights Watch in ay caqabado kala kulanto macluumaadka ay ka uruurinayso deegaannada uu howlgalka milateri ka socdo iyo kuwa ku yaalla soohdimaha. Bishii Abriil, afhayeen u hadlay UNHCR ayaa warbaahinta u sheegay: “Waxaa adkaatay in la helo sawirka dhabta ah ee sida dadka laabtay ay ula qabsadeen deegaannadii la geeyay, sababo jira awgood. Inta badan, dadka laabtay ayaa ka taga goobaha aan galaangalka u leenahay, ayagoo aada deegaanno aan la gaari karin ama ay adagtahay sida aan ku gaari karno, sababo uu ammaanka ka mid yahay awgood. Balse waxaan ku dadaalnaa in aan xaaladooda la socono, anaga oo adeegsaneyna hay’ado aan howlwadaag nahay iyo qaabab kale.”

Qeybta Qaramada Midoobay u qaabilsan difaacidda, ahna tan isu-duwda howlaha difaacidda ee Soomaaliya, ayaa bishii Juun 2016 soo saartay warbixinteedii ugu horeysay ee ay ku fallanqeyneyso xaaladda dalka, balse macluumaadka ay warbixintaasi xambaarsan tahay ayaan weli loo gudbin qaxootiga Dhadhaab.

Arrimaha kale ee caqabada ku ah dib u laabashada khiyaariga ah

Dhowr qof oo u badan dumar, ayaa sheegay in ay amni darro dareemeen markii dariskooda ka laabteen Dhadhaab. Deeqo oo 45 jir ah, kana timid Muqdisho, ayaa sheegtay in arrintaasi ay ku dhalisay go’aanka ay isugu diiwaangelisay in ay dib u laabato:

Noolal caadi ah ayaan ku haysanay Kenya, balse waxaa bilaabatay fariimaha idaacadda ee leh ‘Qaxootiyahow dalkiina ku laabta,’ ka dibna waxaan arkay deriskeyga oo guuraya. Aad baan u cabsaday, cidlo ayaan dareemay. Waxaan u cabsaday ammaankeyga.

Sahra, oo ah 35 jir ka timid Beledweyne ayaa tiri:

Waan walwalsanahay maadaama ay deriskeya laabanayaan, anna cadaadis la igu saarayo in aan laabto, balse waxaan ogahay in hadda aan la joogin xilligii ku haboonaa ee aan laaban lahaa.

Xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaxootiga Dhadhaab ayaa sidoo kale dhiirigalisay go’aannada dadka qaar. Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo raashinka siisa qaxootiga Dhadhaab, ayaa marar badan dhintay raashinka ay bixiso, ka dib markii ay kharash yari soo wajahday. Dhimistii ugu dambeysay ayay hay’addu samaysay bishii Juun 2015, ayadoo jartay boqolkiiba 30. Qaxootiga Human Rights Watch u warramay Abriil 2016, isla markaana isu diiwaangeliyay in ay laabtaan, ayaa dhammaantood tilmaamay in raashin dhimista ay tahay arrinta ugu weyn ee ay u go’aansadeen in ay dalkooda ku laabtaan. Dhimistii Juun 2015 ayaa tan iyo Janaayo 2016 waxaa qaxootiga loogu gudayay lacag caddaan ah.

“Xaaladda cunnada ayaa xumayd labadii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri hogaamiye bulsho oo ku nool xerada Kaambi Caws. “Balse waxay sii darsatay markii dib u celintu bilaabatay, haddana ma jirto cid aan deyn ka qaadan karno, maadaama ay dukaanno badan xirmeen. Haddii qaxootiga oo dhan uu guuro, markaas ayaan guuri doonaa. Waxaan ku laaban doonaa tuuladeyda, oo aan hubin in aan ammaan ku heli doono.”

Waxaa intaa dheer in qaxootiga iyo magangelyo doonka aan diiwaan gashneyn, ay sheegayaan in ay xaaladda ku adag tahay maadaama aanay kaarar cunno haysan. Waxa ay sheegeen in ay la noolyihiin qaraabo ama deris, noolashooduna ay sii adkaaneyso maadaama ay dad badan oo kaarar lahaa ay laabteen.

Ruun waa hooyo 36 jir ah oo haysata 9 carruur ah. Kaarkeedii raashinka ayaa laga joojiyay markii ay bishii Agoosto 2014 aaday Kismaayo, si ay u caawiso hooyadeed oo xannuunsaneyd. Waxay kusoo laabatay Dhadhaab, ayadoo ka baqday in wiil 14 jir ah oo ay wadatay uu kaga biiro kooxaha hubeysan. Ma aanay awooddi karin in ay carruurteeda ka bixiso kharashka waxbarashada Kismaayo. “Waxaan halkan ugu soo laabtay si aan ammaan u helo, carruurtana ay wax iigu bartaan,” ayay tiri. In kastoo ay cabsidaasi qabtay, haddana waxaa la qaabili waayay markii ay dowladda Kenya iyo UNHCR samaynayeen ololaha hubinta, haatanna ma haysato raashin ay carruurteeda siisato.

Deriska ayaa wax iga siiya raashinka ay qaataan, anna waxaan u shaqa tagaa in aan dharka iyo guryaha u nadiifiyo dadka. Way adagtahay in Dhadhaab lagu noolaado kaar raashin la’aan. Haddii aan dib u heli lahaa kaarkeyga qaxootinnimada, waan iska joogi lahaa. Balse ma noolaan karo raashin la’aan, marka waa in aan dalkii ku laabtaa.

Helitaanka Magangelyo ee Qaxootiga Soomaalida ah

Bishii Mey, dowladda Kenya ayaa xirtay Waaxdeedii Arrimaha Qaxootiga, taasoo mas’uul ka ahayd diiwaangelinta qaxootiga, waxaana ay shaacisay in magangelya doonka Soomaalida ah aanay wixii markaa ka dambeeya si toos ah u noqon doonin qaxooti. Diiwaangelinta dadka soo gaaray Dhadhaab ayaa yaraatay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011. UNHCR ayaa sheegtay in diiwaangelintii ugu dambeysay ay dhacday xagaagii 2015.

Saraakiisha dowladda ee Dhadhaab ku sugan ayaa si cad ugu sheegay Human Rights Watch, in qaxootiga cusub ee halkaasi soo gaara aan la diiwaangelineynin. Gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi ayaa yiri: “Haddii aan dib u celino 1,000 qaxooti ah, ka dibna ay yimaadaan 1,000 qof oo cusub, shaqada ma qaban kareyno.” Isla sarkaalkaas ayaa yiri: “Waxaan ku amarnay UNHCR in aanay diiwaangelin qaxooti cusub.” Hay’adda cusub ee dowladda u qaabilsan qaxootiga, Xoghaynta Arrimaha Qaxootiga, ayaan awood u lahayn in ay diiwaangeliso dadka cusub ee Dhadhaab gaaray. Saraakiil ka tirsan UNHCR ayaa u sheegay Human Rights Watch, in ay ka warqabaan in xeryaha ay ku sugan yihiin 4,000 oo qof oo ah magangelyo doon aan la diiwaangelin, in kastoo ay u badan tahay in tiradaasi aanay ku jirin dadka Dhadhaab gaaray tan iyo markii la kala diray Waaxdii Arrimaha Qaxootiga.

Sawir dusha laga qaaday oo muujinaya qeyb ka mid ah xerada Xagardheere ee ka tirsan Dhadhaab, una dhaw soohdinta ay Kenya la leedahay Soomaaliya, Mey 8, 2015.

© Xuquuqda sawirka: 2015 Reuters

Human Rights Watch ayaa wareysatay 23 qof oo dhawaan gaaray Dhadhaab isla markaana aan diiwaangashneyn, dadkaasi oo ay ku jiraan kuwo horay qaxooti u ahaa, balse kaarkoodii raashinka la xayiray, sidaa awgeedna aan ka qeyb qaadan karin ololaha hubinta. Waxaa sidoo kale dadkaasi ka mid ahaa kuwo Dhadhaab laga qaaday oo Soomaaliya la geeyay, balse dib ugu soo laabtay xeryaha iyo magangelyo doon cusub. Dhammaan dadkaasi ayaan ka qeyb qaadan karin ololaha hubinka qaxootiga, sidaa awgeedna laguma darin tirakoobka kama dambeysta ah ee xeryaha Dhadhaab.

Dadka aan la diiwaangelin ayaa sheegay in ay dareemayeen in si gaar ah u nugul yihiin, maadaama aanay heli karin raashinka gargaarka, oo aanay lahayn sharci qaxootinnimo. Farxaan oo ah 23 jir ka soo qaxay Muqdisho, sagaal bilood ka horna soo gaaray Dhadhaab ayaa yiri: “Ilaa iyo inta ay dowladda ka shaacineyso in ay diiwaangelineyso dadka aan qorneyn, ma doonayo in aan isa soo shaac bixiyo, waayo waxaan ka cabsi qabaa in ay i xiraan.”

Bare, oo ah qaxooti kaarkiisa la xannibay ayaa yiri:

Waxaan dareemayaa cadaadis weyn. Ma diiwaangashni, waxaana ku noolahay xeradan. Waxaan wajahayaa dhibaatooyin badan. Weli ima aanay qaban, balse xilli kasta ayay i xiri karaan. Booliska ayaa mararka qaar dadka joojiya, haddii aad kaarkaaga qaxootiga tusto, way ku dhaafayaan, haddii kalena way ku xirayaan. Waxaan dareemayaa in ugu dambeyn ay igu khasbi doonaan in aan ku laabto Soomaaliya. Waxaan xaq u leeyahay qaxootinnimo, balse warqado aqoonsi kama heli karo UNHCR. Afartii bilood ee lasoo dhaafay, waxaan maalin waliba u tegayay UNHCR, waxaana ay ii sheegayeen in aanay i caawin karin.

Xaaladaha ka jira Soomaaliya

Guusha ama guuldarada dib u celinta qaxootiga waxa ay ku xiran tahay waxa dadkaasi ku dhaca marka ay dalkooda ku laabtaan. Bishii Mey, UNHCR ayaa shaacisay warbixin ay cusbooneysiisay oo ku aaddan xaaladda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ayadoo warbixintaasi ku sheegtay, “Dadka rayidka ah waxaa weli si weyn u saameeya colaadda, waxaana jira warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rabshado colaadda la xiriira, isla markaana ay jiraan tacaddiyo galmo iyo kuwo lagula kaco dumarka iyo carruurta, askareynta carruurta iyo barakacin ballaaran.”
 
Human Rights Watch ayaa la hadashay qaxooti ay dagaallo iyo amni darro ku qabsadeen deegaanno badan oo dadka lagu celiyay ama la qorsheynayo in lagu celiyo. Tiro qaxooti ah oo kasoo cararay degmada Beled Xaawo ayaa dhawaan soo gaaray Dhadhaab. Haweeney 42 jir ah oo bishii Janaayo kasoo laabatay Beled Xaawo ayaa tiri:

Waxaa la ii sheegay in Beled Xaawo ay ammaan tahay, balse markii aan ku laabtay, waxaan arkay in aanay waxba iska bedelin. Dadka oo dhan, yar iyo weynba waxa ay sitaan hub, nabadna kama jirto. Saddex jeer ayaa iska hor imaad kooban waxaa uu dhex maray Reero ka wada tirsan Beesha Mareexaan. Ninkeyga oo xannuun maskaxda ah qaba ayaa waxaa saameeeyay dagaalladaasi. Way adagtahay in aad ogaato sida aad isku difaaci karto.

Sida ay sheegtay UNHCR bishii Agoosto, boqolkiiba 68 qaxootiga Soomaaliya ku laabtay sanadkan 2016, ayaa ahaa carruur. Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Soomaaliya carruurta ay askarta u qoranayaan Al-Shabab, ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka beelaha, ay tiradooda si weyn sare ugu kacday sanadkii 2015. Human Rights Watch ayaa la hadashay dhowr wiilal iyo rag dhalinyara ah isugu jira, oo qoysaskooda kula laabtay deegaanno ay Al-Shabab ka taliso, sida Bu’aale iyo Saakow, isla markaana uu ururkaasi damcay in uu qorto. Human Rights Watch ayaa sidoo kale la hadashay waalidiin sheegay in ay Kenya ugu soo laabteen cabsi ay ka qabaan in carruurtooda askar loo qoran doono haddii ay Soomaaliya sii joogaan.

Qaxootiga kasoo laabtay deegaannada ay Al-Shabab ama ciidanka dowladda maamulaan, ayaa sheegay in cunno la’aan iyo adeegyada asaasiga ah oo aan jirin, gaar ahaan waxbarashada, ay u suuragelin waayeen in ay deegaannadaasi ku noolaadaan ama ay la qabsadaan. Mowlid, waxa uu sanadkii 2015 kaalmo la’aan ku laabtay tuulo ka tirsan degmada Qansaxdheere, balse waxaa noolashiisa dhibaato u geysatay xannibaada ay Al-Shabab ku hayso socodka dadka: 
 

Ma jirin qaab aan ugu safri karnay suuqa ku yaalla degmada Diinsoor. Cunno uma heli karin carruurteyda. Markii aan Dhadhaab kusoo laabtay, carruurteyda waxaa la jiifiyay cisbitaal nafaqa darro awgeed.

Helitaanka adeegyo, dhul iyo ka difaacadda xadgudubka ayaa ah arrimo isku wada xiran. Nin waayeel ah ayaa bishii Sitember 2015 waxa uu 10 canug oo uu dhalay kula laabtay degmada Luuq, ka dib markii uu ku noolaan waayay raashinka la dhimay ee Dhadhaab.

Markii aan gaaray Luuq, waxaan arkay dad booskeyga dhistay. Saddex bilood ayaan geed hoostii ku nooleyn. Waxaan u cawday maamulka, balse waxaan ogaa in kiiska uu muddo qaadan doono. Waqti ma aan haysan, carruurtana hooy la’aan iyo gaajo ayaa isugu darsamay.

Asaga iyo carruurtiisa oo lugeynaya ayaa dib ugu soo laabtay xeryaha Dhadhaab.

UNHCR ayaa si tartiib ah u kordhisay tirada deegaannada loogu talagalay in qaxootiga lagu celiyo, waxaana dhawaan ay ka dhigi doontaa 12 deegaan. UNHCR ayaa u sheegtay Human Rights Watch in kordhintaasi lagu saleeyay galaangalka ay hay’adaha gargaarka u leeyihiin deegaannadaasi, iyo goobaha ugu dambeeyay in qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday in tiro badan oo qaxooti ah ay u laabanayaan deegaannadaasi. In kastoo UNHCR ay ka taxadartay in deegaannada qaxootiga lagu celinayo ay ku tilmaamto kuwo “ammaan ah” ayaa haddaba dowladda Kenya aysan arrintaasi ka fiirsan. Gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi ayaa u sheegay Human Rights Watch, “UNHCR dadka ma geyneyso deegaanno khatar ah. Waxay dadka ku celinaysaa oo keliya deegaannada ammaanka ah. Qaxootigu waxa ay waxbarasho iyo caafimaad ku heli karaan dalkooda.”

Tacaddiyada hadda jira ee dadka barakacayaasha ah loogu geysto Soomaaliya
Waxaa walaac gaar ah leh in qaxootiga laabanaya, gaar ahaan kuwa aan awoodin in ay ku laabtaan deegaanka ay asal ahaan kasoo jeedaan, ama kuwa sanadaha badan dibedda qaxootiga ku ahaa, ay ka mid noqon doonaan 1.1 milyan ee qof ee ku barakacsan gudaha Soomaaliya, isla markaana ku nool xeryaha khatarta badan. Lama oga tirada saxda ah ee qaxootiga laabtay ka wajahaysa xaaladdaasi.

Kulan 25-kii Agoosto dhacay, UNHCR ayaa u sheegtay Human Rights Watch, in ugu yaraan boqolkiiba 10 qaxootiga Soomaaliya ku laabtay bilihii Juun iyo Luuliyo, la rumeysan yahay in ay ka mid noqdeen barakacayaasha gudaha.

Qaar ka mid ah dadka ku laaban kari waayay deegaannadii ay asal ahaan ka soo jeedeen, ayaa u sheegay Human Rights Watch in ay ku dambeeyeen goobo ay ku nool yihiin barakacayaasha gudaha oo aan ammaan ahayn. Aamina oo ah 38 jir kaligeed korsata 5 carruur ah, ayaa ku laabatay deegaankeedii Buula Gudud, dib u celintaasi oo qeyb ka ahayd mid la sameeyay Janaayo 2015. Dagaal ayaa ka dhacay deegaankaasi, waxaana ayada iyo carruurteeda ay u qaxeen xero barakacayaasha ay ka degan yihiin Kismaayo. Halkaasi waa ay ku noolaan weyday, ayadoo biyo ku iibin jirtay suuqa. Ka dib markii nin ku labisan dareeska ciidanka uu kufsaday, falkaasi oo inta badan ka dhaca xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha saboolka ah ee aan la ilaalin dalka oo dhan, ayaa Aamina waxay go’aansatay in ay dadka ka codsato in lagu celiyo Dhadhaab, halkaasi oo ay hadda ku nooshahay ayada oo aan diiwaangelin helin.

Qaar ka mid ah dadka isu diiwaangeliyay in ay laabtaan ayaa og suuragalnimada ah in ay ku dambeyn karaan xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha gudaha. Nin 69 jir naafa ah, oo kasoo barakacay tuulo u dhow degmada Qansaxdheere ee uu ururka Al-Shabab ka taliyo, ayaa yiri: “Waxaan aqaanaa dad aan Dhadhaab deris ku ahayn oo ku laabtay magaalada Baydhabo. Waxay ii sheegeen in aanay weli helin guri. Idaacad maxali ah ayaan ka maqlay in aan guryo nala siin doonin. Waxaan ku biiri doonnaa barakacayaasha gudaha ee hadda jira.”

Talooyin

Dowladda Kenya waa in ay:

  • Si shaac baxsan ugu xaqiijisaa dhammaan qaxootiga iyo magangelya doonka Soomaalida ah ee weli ka baqaya in ay laabtaan, in loo ogolaanayo in si sharaf leh ay kusii joogaan Kenya;
  • Dib u howlgalisaa hannaanka sida tooska ah loogu aqoonsanayo qaxootiga Soomaalida ah, ama in ay samaysaa hannaan cadaalad ah, hufan, isla markaana waxtar leh kaasoo ay raacayaan dadka magangelya doonka dalka oo dhan; iyo
  • In ay sii waddaa aqoonsiga qaxootiga la qabsan waayay Soomaaliya ka dib markii lagu celiyay, kuna soo laabtay Kenya.

UNHCR waa in:

  • Aanay fududeyn in qaxooti lagu celiyo Soomaaliya, tan iyo inta ay Kenya ka xaqiijineyso, in dhammaan qaxootiga ay si dhab ah xor ugu yihiin kala doorashada ku laabashada Soomaaliya iyo sii joogidda Kenya;
  • Ay xaqiijisaa in qaxootiga ay helaan macluumaad cusub oo sax ah, kuwaasoo ku aaddan xaaladaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda ammaan ee la jaanqaadaysa warbixintii ugu dambeysay ee UNHCR ay ka samaysay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya;
  • Ay xaqiijisaa in macluumaadkan ay si diyaarsan ku heli karaan qaxootiga Soomaalida ah, oo ay ka mid tahay in wacyigelin micno leh idaacadaha loo mariyaa; iyo
  • In ay dib u bilowdaa booqashooyinkii “Tag oo Arag” ahaa ee ay samayn jireen hogaamiyayaasha xeryaha qaxootiga, si ay usoo qiimeeyaan xaaladaha deegaannada lagu laabanayo, ayna uga warramaan qaxootiga xeryaha ku jira.

Deeq-bixiyayaasha, gaar ahaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska, oo ah saddexda ugu weyn kuwa deeqda siiya Dhadhaab, waa in ay:

  • Xaqiijiyaan in qaxootiga ku haray Dhadhaab ay helaan gargaar ku filan iyo fursado loogu raadinayo xal kale oo waara, sida in si weyn loo adeegsado dib u dejinta qaxootiga looga sameeyo dal saddexaad oo ka baxsan gobolka, waa haddii ay jirto cabsi dhab ah oo ku aaddan in dadka laabanaya lagu dhibaateeyo Soomaaliya ama ay kala kulmaam tacaddiyo kale oo halis ah; iyo
  • Ku adkeystaan in dib u celin kasta oo qaxootiga Dhadhaab loo samaynayo, uu si buuxda u waafaqsanaado heerka dib u laabashada khiyaariga ah, ayna diidaan in ay maalgeliyaan ama ay taageeraan in qaxootiga si khasab ah dib loogu celiyo Soomaaliya.