Gabar yar oo ay ku heeraarsantahay alaab ay qoyskooda leeyihiin mar ay dowladda Soomaaliya si qasab ah ay u raraysay dad barakacayaal ah oo ku sugnaa xerada Kadha ee degmada (Dharkinleey) ee ka tirsan Muqdisho, Soomaaliya 4-tii bisha Maarso ee 2015-ka.

© 2015 Waa sawir gaar looleeyahay

(Nairobi) – Dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ayaa khatar badan geliyay dadka rayidka ah, ayada oo khatartaasi ay ka timid dagaallada iyo xadgudubyada kale ee dalka ka dhacay sanadka 2015-ka.

Waxaa dhacay iska horimaadyo salka ku haya sameynta maamul goboleedyada federaalka ee ay ku howlan tahay dowladda oo taageera ka helaysa hawlwadaagayaasha caalamka. Dadweynaha barakacay ayaa weli u nugul xadgudubyo dhanka galmada ah iyo qasab ku rarid. Ururka Al-Shabaabna waxa uu si sharci darro ah oo aan kala sooc lahayn weerarro ugu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah.

“Saddex sano kaddib markii ay xukunka qabatay, dowladda Soomaaliya ayaan weli awooddin in ay sugto ammaanka asaasiga ah ee dadweynaha ku nool deegaannada ay ka taliso,” waxaa sidaa tiri Leslie Lefkow, ku xigeenka madaxa Afrika ee Human Rights Watch. “Dhibaatooyinkaasi waxaa uga sii darray weerarrada aan kala sooca lahayn ee uu ururkaasi fuliyo iyo faragalinta uu ku hayo gargaarka bani’aadannimo.”

Warbixinta Caalamka ee 2016-ka oo ka kooban 659 bog, ahna daabacaaddii 26-aad, ayaa Human Rights Watch waxa ay dib u eegis ku sameysaa falalka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca in ka badan 90 waddan. Kenneth Roth oo ah Agaasimaha Guud ee Human Rights Watch ayaa warbixintiisa hordhaca ah waxaa uu ku qoray in weerarada argagixisada ah ee gaaray meelo ka baxsan bariga dhexe, iyo qulqulka badan ee qaxootiga ee lagu wajahay dhibaataynta iyo carqaladaynta ay ku hogaamisay dowlado badan inay xakameeyaan xuquuqaha iyagoo si qaldan isugu dayayay ilaalinta aminigooda. Isla markaana, dowladaha mayalka adag ee dunida dhammaan, oo ka baqanaya mucaaradnimada ku salaysan nabada ee inta badan looga hadlo baraha bulshada, ayaa xilayadii dambe ku dhaqaaay hawlgallo lagu caburinayo kooxaha madaxa banaan.

Ururka Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya dhul ballaaran oo dalka ka tirsan ayaa weeraray dad rayid ah iyo kaabayaasha ay adeegsadaan, waxaana uu fuliyay weerarro badan oo shakhsiyaad lagu bartilmaameedsaday iyo dilal. Dhinacyada dagaallamaya oo ay ku jiraan ciidammada dowladda, maleeshiyaadka taabacsan, mucaaradka hubeysan, hawlgalka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo ciidamo kale oo shisheeye ah, ayaa dhammaantood ku xadgudbay shuruucda dagaalka, taasoo dhalisay waxyeelo soo gaartay dad badan oo rayid ah.

Xiisaddo ka dhashay maamul goboleed cusub u sameynta bartamaha Soomaaliya ayaa keenay iska horimaadyo, kuwaasoo dhaliyay tacaddiyo ka dhan ah rayidka. Bishii Febraayo, iska horimaad magaalada Guriceel ku dhex maray ciidammada dowladda iyo xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo ah maleeshiyo Suufi ah, ayaa waxa uu sababay dhimasho dad rayid ah iyo barakac ballaaran.

Dabayaaqadii sanadkii 2015-ka, iska horimaadyo soo noqnoqday oo ciidammada Puntland iyo kuwa maamulka cusub ee Galmudug ku dhexmaray magaalada lagu muransan yahay ee Gaalkacyo, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof oo rayid ah, tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka ayaa waxaa ku barakacay dad ka badan 90,000 oo qof.

Dowladda ayaa ku guuldareysatay difaacida boqolaalka kun ee ah barakacayaasha ku nool caasimadda, kuwaasi oo la kulma tacaddiyo ba’an oo ay ka mid yihiin xadgudubyo dhanka galmada ah. Dowladda ayaan raacin siyaasadeeda cusub ee ku aaddan barakacayaasha, waxaana ay si qasab ah, mararka qaarna rabshad ku dheehan tahay ay ku rartay barakacayaal ku noolaa xeryo aan rasmi ahayn.

Intii lagu jiray sideedii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2015-ka, barakacayaal ka badan 116,000 oo qof ayaa qasab luga raray, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Bishii March, ciidammada dowladda ayaa howlgal ay Muqdisho ka sameeyeen xoog ku raray dad ka badan 21,000 oo qof, ayaga oo garaacay qaar ka mid ah dadkaasi, burburiyay cooshash isla markaana dadkaasi dhigay gargaar la’aan iyo weliba biyo iyo cunno la’aan.

Maamulka Somaliland ayaa mararka qaar xarig aan loo meeldayin kula kacay weriyayaal, iyo dad dowladda dhaliisan. Waxa uu maamulkaasi sidoo kale ku guuldareystay inuu si wanaagsan u difaaco dadka qaba xanuunka dhimirka ee sida qasabka ah loogu hayo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha, dadkaasi oo silsilado lagu xiro, mararka qaarna la garaaco.

“Ayada oo lagu marmarsiyoonayo ku haboonaanta siyaasadeed ayaa isbedalo muhiim ahaa iyo tallaabooyin wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan dhanka xuquuqda dalka gees la iska dhigay sanadka 2015-ka,” ayay tiri Lefkow oo intaa ku dartay “Ayada oo horay loo dhaqaaqayo, dowladda Soomaaliya iyo hawlwadaagayaasheed caalamiga ah waa in ay xakameeyaan ciidammada tacaddiyada geysta, ayna mudnaan siiyaan isla xisaabtanka.”