Skip to main content

Kenya: Maxkamad ayaa Burisay Qorshe si Qasab ah Qaxootiga lagu geyn lahaa Xeryaha Qaxootiga

Waxaa la joojiyay in 55,000 oo qaxooti Soomaali iyo dadkale ah laga raro magaalooyinka waa weyn

(Nairobi, Luulyo 26, 2013) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 26-ka Luulyo, 2013, burisay qorshe ay dowladda uga saaraysay 55,000 oo u badan qaxooti Soomaali ah caasimadda Nairobi iyo magaalooyin kale. Dadkaa ayaa waxaa la geyn lahaa xeryaha qaxootiga, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Maxkamadda ayaa sheegtay in dib u celinta ay macquul tahay in ay wax u dhinto sharafta qaxootiga iyo weliba xuquuqda ay u leeyihiin dhaqdhaqaaqa xorta ah, waxayna sahlaysaa in si aan toos aheyn loogu qasbo in dib loogu celiyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay maxkamaddu sheegtay in mas’uuliyiinta aanay caddeyn in dib u celinta qaxootiga ay gacan ka geysanayso ilaalinta amniga qaranka, kadib weeraro bambaano oo taxane ahaa oo ka dhacay gudaha Kenya oo ay geysteen dad aan la aqoonsan haybtooda.

Booliska ayaa waxa ay u gaysteen xadgudubyo socday 10 todobaad qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan magaalada Nairobi – xadgudubyadaas oo ay ka mid ahaayeen jir dil iyo kufsi – dabayaaqadii 2012-ka iyo bilowgii 2013-ka. Booliska ayaa qaxootiga ugu yeerayay “argagixiso” waxayna sheegeen  in ay tahay in qaxootiga la geeyo xeryaha.

“Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu laabqaboojin u yahay oo soo dhaweynaya 55,000 oo qaxooti ah oo ku nool magaalooyinka waa weyn wuxuuna go’aanka xasuusinayaa mas’uuliyiinta in aanay ku tuman karin xuquuqda qaxootiga,” waxaa sidaasi yiri Gerry Simpson, oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan cilmibaarista qaxootiga. “Go’aanka maxkamadda wuxuu  fariin culis u dirayaa mas’uuliyiinta fariintaas oo ah in la joojiyo cagajugleynta iyo dhibaatooyinka dhawaanahan lagu hayay qaxootiga jooga Nairobi.”

Mas’uuliyiinta waa in ay ilaaliyaan qaxootiga Nairobi ku nool, oo ay u ogolaadaan kooxaha Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga in ay caawiyaan, oo si degdeg ahna baaritaan ugu sameeyaan ciidamada booliska ee mas’uulka ka ahaa xadgudubyadii ba’naa ee loo geystay qaxootiga sanadihii 2012-ka iyo 2013-ka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Bishii Janaayo, hay’ad Kenya laga leeyahay oo aan dowli aheyn oo loo yaqaan Kituo Cha Sharia (Xarunta Sharciga) ayaa waxa ay gaysay maxkamadda dacwad ay kaga soo horjeedo sida uu sharci darro u yahay qorshihii dib u celinta qaxootiga ee bishii Diseembar 2012-ka, kaasoo looga dan lahaa in dhamaan qaxootiga ku nool magaalooyinka waa weyn iyo dadka magangalyo doonka ah in ay isaga baxaan magaalooyinka Kenya, lana geeyo xeryaha qaxootiga ee aan nadiifka aheyn ee buux dhaafay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa waxa ay horay amar ugu bixisay in mas’uuliyiinta ay joojiyaan qorshaha dib u celinta qaxootiga tan iyo inta ay maxkamaddu go’aan ka gaarayso. 26-ka Luulyo, maxkamadda ayaa waxa ay xukuntay in qorshuhu uu xadgudub ku noqon doono xuquuq badan oo ay leeyihiin dad badan oo qaxooti ah, oo ay ka mid tahay xuquuqda dhaqdhaqaaqa xorta ah, xuquuqda ay u leeyihiin sharaftooda, iyo xaqa ay u leeyihiin in aan si qasab ah loogu celin karin shaqaaqadii ay ka soo carareen, taasoo ay maxkamaddu sheegtay in ay suuragal noqon laheyd haddii si “qalafsan” loogu qasbo in lagu celiyo xeryaha liita ee ku yaal xudduuda Soomaaliya.

21-kii Janaayo, Human Rights Watch waxa ay ugu baaqday mas’uuliyiinta in ay meesha ka saaraan qorshaha dib u celinta qaxootiga, iyadoo sheegtay in Kenya ay ku guuldareysatay in ay soo bandhigto, sida uu sheegayo sharciga caalamiga ah, oo ah in qorshaha lagama maarmaan uu u yahay in la horumariyo amniga qaranka ama uu yahay waxa ugu yar ee la sameyn karo si wax looga qabto dhibaatooyinka ammaanka qaranka ee Kenya. Human Rights Watch waxa ay sheegtay in qorshuhu sidoo kale uu faquuqay qaxootiga sababtoo ah hannaanka ayaa u ogolaanayo muwaadiniinta Kenya in ay si xor ah u socdaalaan una diidaya qaxootiga isla xuquuqdaas.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in laga qaado tobanaan kun oo qaxooti ah magaalooyinka waa weyn oo la geeyo xeryaha qaxootiga ee la daalaa dhacaya hoos u dhac maalgelineed oo gaaraya in ka badan 100 milyan oo doolar ayaa waxa ay xadgudub ku noqonaysaa xuquuq badan oo ay leeyihiin, waxaana ka mid ah xaqa ay u leeyihiin in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan, in aan si qasab ah looga rarin guryahooda, iyo in aanan la dhimin xaqa ay u leeyihiin in ay helaan xuquuqda asaasiga ah – sida cunada, nolosha, daryeelka caafimaad, iyo waxbarashada. 

Saraakiishii ku dhawaaqay qorshaha dib u celinta ayaa bishii Diseembar sheegay in ay arrinta xigi doonto ay noqon doonto dib u rarid lagu sameeyo qaxootiga Soomaalida ah ayadoo la geynayo Soomaaliya, inkastoo dhab ahaantii inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si weyn aanu u sugneyn ammaanka oo ay ka socdaan dagaallo, dilal, xadgudub aan loo meeldayin oo loo geysto dadka rayidka ah, iyo galaangal xaddidan oo ay hay’addaha gargaarka ku leeyihiin halkaa. 

Human Rights Watch waxa ay ku celcelisay baaqeeda ay u jeedinaysay mas’uuliyiinta Kenya ee ahaa in aanay ku qasbin qaxootiga in ay ku laabtaan Soomaaliya. Caddaadiska noocaas ah ayaa waxa uu keenayaa in Kenya ay jabiso waajibaadkeeda ah in aanay si sandulle ah qaxooti ugu celinin xaalado shaqaaqo iyo dhibaatooyin baahsan.

“Xukunkan waa in uu tusaale hurdo ka kac ah u noqdo mas’uuliyiinta Kenya kaasoo ku aaddan waajibaadka asaasiga ah ee kaga aaddan qaxootiga,” Simpson ayaa sidaa yiri. “Dowladda Kenya waa in aanay ku cadaadin oo aanay ku qasbin qaxootiga in ay dib ugu laabtaan goobo halis ku ah noloshooda iyo xorriyadooda.”

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country