Skip to main content

Faallo ku aadan Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Gargaarka ee ku saabsan Sharciga Qabyada ah ee lagu dhisayo Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha

Sookoobid Guud
Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu qeexayaa abuurista guddi qaran ee xuquuqda aadanaha.[1] Sharci qabyo ah ayaa hadda horyaalo baarlamaanka. Iyadoo la eegayo xaalada qalafsan ee ku tacaddiga xuquuqda aadanaha ee socday 20-kii sano ee lagu guda jiray dagaallada sokeeye iyo ilaalinta iyo soo tebinta tacadiyada loo geysto xuquuqda aadanaha oo ahaa kuwo xaddidan, ayaa waxaa fursad muhiim ah ay u tahay dowladda cusub ee Soomaaliya sameynta guddi madax banaan oo xoog leh si ay uga gudubto taariikhihii xumaa ee hore oo ay u xaqiijiso dhamaan dadka Soomaalida in xuquuqdooda ay leedahay mudnaansho gaar ah. Tallaabada koobaad ayaa waxa ay noqonaysaa dhaqangelinta sharci buuxa oo u xaqiijinaya shaqaalaha, hannaanka, iyo awoodaha guddiga in ay noqdaan kuwo cad oo ka madax banaan faragelin siyaasadeed.

Bishii Febaraayo 2013-kii, Wasiirka Caddaalada ayaa waxa uu u bandhigay Baarlamaanka sharcigii ugu horeyay ee qabyo ah kaasoo markii dambe wax laga badalay. Sharci kale oo la faafaahiyay oo lasoo bandhigay bishii Mey 2013-ka ayaa waxaa hadda la qorshaynayaa in uu ugudbo aqriska labaad inta aanan loo gudbin Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Gargaarka oo leh awooda in ay bixiyaan talooyin wax looga badalayo sharciga.Warqadan waxay faafaahineysaa sharciga qabyada ah ee la diyaariyay bishii Mey ee 2013-ka siduu ku soo gaaray hay’adda Human Rights Watch, iyadoo qiimeynayso sida uu u waafaqsan yahay heerarka caalamiga ah ee guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha, waxa ayna bixinaysaa talooyin si sharciga dib u eegid loogu sameeyo.[2]

Majirto shax ama hanaan qura oo lagu sameeyo guddi culus oo madax bannaan ee xuquuqda aadanaha, laakiin xeerka Qaramada Midoobay la xiriira Qaabdhismeedka Hay’addaha Qaran, ee loo yaqaan Xeerarka Paris, ayaa waxa ay yihiin kuwo heer ahaan laga aqoonsan yahay caalamka ee dhisida iyo shaqo gelinta hay’addaha qaran ee xuquuqda aadanaha, waana in ay ka tallo qaataan dadka dejinayo sharciga Soomaaliya.[3] Sida la ogaaday, cilmi barista ay Human Rights Watch ku sameysay qaarada Afrika oo dhan waxay tusayaan in waajibaadka sharciga iyo awoodaha la xiriiro guddiga ay yihiin kuwo muhiim ah.[4]

Sharciga qabyada ah ee hadda diyaarka ah waxaa ku jiro qodobo wanaagsan, oo ay ka mid yihiin in guddiga la siiyo awooda uu ku kormeero kuna baaro eedaha la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha,[5] Sidoo kale sharciga qabyada ah waxa uu si cad u soo bandhigayaa mudada ay shaqeynayaan xubnaha golaha taasina waxa ay muhiim u tahay ingaransiiyaha madax banaanida guddiga, taasoo golaha siinayso baaxad ay si wanaagsan uga shaqeyn karaan arrimaha xasaasiga ah iyagoon ka cabsaneyn wax aargoosi ah.[6]

Sikastaba, qeybo badan oo ka mid ah qodobada ugu muhiimsan waa maqaar saar ama way ka maqan yihiin sharcigan qabyada ah. Dhaqangalinta sharci daciif ah wuxuu bilowgaba sababi karaa curyaaminta guddiga waana in si degdeg ah wax looga qabto.

Ka hor inta aan loo codeyn sharciga qabyada ah, Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Gargaarka waa in uu si weyn u xoojiyaa qodobada muhiimka ah si loo xaqiijiyo in guddiga cusub loo yeelo waajibaad cad oo ballaaran, iyo awoodaha uu shaqadiisa si wanaagsan ugu hirgalinayo. Gaar ahaan, guddigu waa in uu wax ka bedalaa sharciga qabyada ah:

  • Si wanaagsan ugu qeexo xulashada iyo hannaanka magacaabida xubnaha guddiga; hannaanka waa in uu ahaado mid hufan oo cad kuna saleysan wadatashi, lagana qeybgaliyo bulshada rayidka ah, iyo in la xaddido faragelinta dowladda;
  • In la xaqiijiyo hanaanka xulashada musharaxiinta ee ku qeexan sharciga in uu yahay mid dhiirigalinaya kala gedisnaanta xubnaha guddiga iyo in la xaqiijiyo in si buuxdo loo tixgaliyo taariikhda xuquuqda aadanaha ee uu leeyahay xubinta la magacaabayo;
  • In la xaqiijiyo in guddiga uu awood u leeyahay in uu si madax bannaan uu u bilaabi karo baaritaano, uuna galaangal aan xadidneyn uu u yeelan karo goob kasta, oo ay ka mid tahay dhammaan xabsiyada, oo uu yeesho baaxad ballaaran oo uu howlihiisa ku fulin karo.

Sameynta guddiga xuquuqda aadanaha oo kaliya ma kordhinayso wanaajinta xaalada xuquuqda aadanaha ee dalka ka jirto, waana in aan loo arag in ay badal u tahay unugyada gudaha ee ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowladda ee indhaindheeya howlahaas, hanaanka caddaalada wax ku oolka ah ee dhexdhexaadka ah, iyo la socodka bulshada rayidka ah ee xuquuqda aadanaha. Qaar ka mid ah guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha ayaa waxaa lagu dhaleeceeyaa in ay yihiin “maqaar saar” ama ay yihiin aalad lagu horumarinayo dowladda kuwaas oo asal ahaan aan dan ka laheyn in ay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha.[7] Ugu dambeyntii, dhisida guddi xoogan oo ay Soomaaliya leedahay waa in uu gacan ka geysto dhisida hab dhaqan lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha, wacyigalinta iyo ilaalinta, iyadoo lala tacaalayo taariikhda soo jireenka ah ee abuurtay in dambiilayaasha ay noqdaan lama taabtaan.

Qodobada Muhiimka ah
Xeerarka Paris, nuqulka Qaramada Midoobay,[8] iyo cilmi barista ay sameysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch waxay qeexayaan qodobo muhiim ah si loo meel mariyo sharciga qaran ee hay’addaha xuquuqda aadanaha ee saameyn kara madax banaanida guddiga, kalsoonida ay bulshadu ku qabto guddiga, iyo weliba in guddigu uu si wanaagsan u guto shaqadiisa. Qodobadaa waxaa ka mid ah:

  1. Hannaanka Xulashada, Magacaabida,iyo shaqo ka joojinta xubnaha guddiga;
  2. Qaab dhismeedka guddiga;
  3. Waajibaadka guddiga;
  4. Awoodaha guddiga; iyo
  5. Maalgalinta.

Qeybtan soo socoto waxa ay qiimeynaysaa sida sharciga qabyada ah uu uga jawaabayo su’aalahan waxayna soo badhigeysaa bedalidda iyo dib u eegida ku haboon.

1. Hannaanka Xulashada, Magacaabida, iyo shaqo ka joojinta xubnaha guddiga
Sharciga qabyada ah waxa uu qeexayaa in Wasiirka Caddaalada uu mas’uul ka yahay diyaarinta magacyada xubnaha la magacaabayo, gollaha wasiiradana ay kala shaandheyn ku sameynayaan liiska, kadibna loo baahan doono in xubnaha la magacaabay golaha baarlamanka uu ansixiyo.[9] Magacaabida ugu dambeysana waxaa sameynaya madaxweynaha. Sharciga qabyada ah wuxuu sidoo kale tirinayaa sababo keeni karo in shaqo joojin lagu sameeyo xubnaha guddiga.[10

Iyadoo hannaanka xulashada, magacaabista iyo ku dhawaaqida xubnaha guddiga uusan si cad u qeexeyn Xeerarka Paris, nuqulka Qaramada Midoobay, ee loo sameeyay si uu u caawiyo dhaqangelinta Xeerarkaas, wuxuu caddeynayaa faa’iidada ay leeyihiin hannaanka xulashada iyo magacaabista si loo dhaqangeliyo sharciga.[11] Sidoo kale Nuqulka Qaramada Midoobay wuxuu qorayaa faa’iidada ay leedahay in la caddeeyo shakhsiga ama gollaha awooda u leh in ay shaqada ka joojiyaan xubin, wuxuuna ku talobixinayaa in awoodaas la siiiyo baarlamaanka ama gole sare oo u qalma baarlamaanka, si loo horumariyo madaxbanaanida guddiga qaran.[12]

Bedellida aan ku talineyno
Sharciga qabyada ah waa in uu faafaahin ka bixiyo qaabka loo xulanayo loona magacaabayo xubnaha si loo xaqiijiyo in la helo koox ballaaran oo u qalanta tartanka waayo arragnimo xeeldheerna u leh iyo in la yareeyo faragelinta dowladda, gaar ahaan golaha xukuumada.[13] Waxaa aad sharciga muhiim u ah in si cad loo shaaciyo dadka la doonayo iyadoo lagu xijinayo magacaabid ku saleysan hufnaan iyo wadatashi. In badan oo ka mid ah waddamada Afrika, oo ay ku jiraan Burundi, Kenya, iyo Tanzaaniya, waxaa jagooyinka loo tartamayo lagu baahiyaa wargeysyada qaranka.[14] Hannaanka xulashada iyo magacaabida guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa in sharcigu uu si cad u qeexaa.

Bulshada rayidka waxa ay dowr weyn ka ciyaarayaan kala shaandheynta aqoonta iyo taariikhda musharaxiinta. Sharciga qabyada ah waa in uu ku daraa hab caddeynaya si loo xaqiijiyo ka qeybqaadashada bulshada rayidka ah.[15] Tusaale ahaan, waddanka Tanzaaniya, bulshada rayidka ah waxaa lagu daray guddiga kala shaandheya musharaxiinta; magacyada musharaxiinta oo uu guddiga soo xushay ayaa waxaa lagu baahiyaa warbaahinta si loo helo ka qeybqaadashada bulshada markaasaa loo sii gudbiyaa guddiga xulashada ee kama dambeysta ah.[16]

Ugu dambeyntii, sharciga qabyada ah waa in uu baarlamaanka siiyaa awooda indhaindheynta iyo shaqo ka joojinta xubnaha guddiga.

2. Qaab dhismeedka guddiga
Shuruudaha xubin ka noqoshada guddiga ee haatan ku xusan sharciga qabyada ah waa dhalashada qofka, heerkiisa aqooneed, khibradda uu u leeyahay xuquuqda aadanaha, in uusan gelin dambi weyn iyo asluubta.[17]

Xeerarka Paris waxa ay xooga saarayaan in qaab dhismeedka guddigu uu noqdo mid ka tarjumayo in qeybo badan ay ka qeyb qaataan shaqada howlaha xuquuqda aadanaha ee waddanka ka jirta, oo ay ku daraan xubno ka tirsan hay’addaha aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya xuquuqda aadanaha, guddiyada ganacsatada, iyo xubno matala qeybaha kala duwan ee diimaha, hay’addaha xirfadaha iyo aqoonta leh.[18] Habka xubin noqoshada guddiga waa in uu noqdaa mid ka tarjumaya qeybaha kala duwan ee waddanka, oo ay ka mid yihiin, jinsiga, qabiilka, iyo metalaada gobolada si loo helo kalsoonida bulshada.[19]Tani waxa ay si gaar ah muhiim ugu tahay Soomaaliya oo is aaminaad la’aan iyo cadaawad ba’an ay ka dhex jirtay bulshooyinka iyadoo qeybo ka mid ah shacabka saameyn ba’an ay ku yeelatay mudadii ay dagaalada socdeen.

Bedalida aan ku talineyno
Habka xulashada ee ku xusan sharciga qabyada ah waa in la xoojiyaa si loo helo sharkhsiyaad taariikho kala duwan leh oo ka mid ah sagaalka xubnood ee guddiga, oo ay ka mid tahay in la helo dad metala haweenka iyo kooxaha u jilicsan dhibaatooyinka, ayna ka dhex muuqato metalaada qabiilada iyo gobolada kala duwan. Tusaale ahaan, Sharciga Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ee 2011-ka waxa uu soo jeedinayaa sinnaanta jinsiga, gobolada iyo qabiilada, iyadoo la tixgalinayo siinta fursado siman dadka naafada ah.[20]

Iyadoo la fiirinayo taagdarada hannaanka caddaalada Soomaaliya, taariikh dambiyeedka qofka oo la eego ama aan la eegin, ma xaqiijinayso in qofka uu lahaa taariikh dambiyeed hore.Sidaa darteed waa in hannaanka xulashada lagu daraa bulshada rayidka ah, iyo xitaa kala shaandheyta xubnaha iyo eegida asluubta shakhsiyaadka; sida kor ku xusan arrintaa waxaa horay looga sameyay waddamo kale, oo uu ku jiro wadanka Tanzaaniya.

3. Waajibaadka guddiga
Guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha waxaa la’abuuray iyadoo la tix raacayo dastuurka kumeelgaarka ah, taasi waxay siinaysaa asaas sharciyeed oo adag.[21] Sharciga qabyada ah ee hada la diyaariyey wuxuu meelo dhowr ah tixraacayaa xuquuqda aadanaha, balse si khaas ah uma uu tixraacayo xuquuqda aadanaha ee heerka caalami ah. Sharciga qabyada ah wuxuu qeexayaa in guddigu uu leeyahay waajibaadka ah in uu baaritaan kusameeyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyada oo aan loo aabayeelayn cidda gaysatay.

Xeerarka Paris, waxa ay qeexayaan in lasiiyo hay’adaha qaran ee xuquuqda aadanaha waajibaad aad u balaaran.[22] Nuqulka Qaramada Midoobay wuxuu caddeynayaa in lagu saleeyo guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha oo lawaafajiyo xuquuqda aadanaha ee heerka caalami ah oo dawladuna ay dowr ka ciyaarto, markaa ayuu guddigu yeelanayaa awood uu ku kor meero oo uu kaga warhayo tacadiyada ka dhaco gudaha dalka oo la hor mariyo sharciyada ilaaliyo xuquuqda aadanaha.[23] Waajibaadka saaran guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha sida ku xusan xeerarka Paris ayaa ah in la hour mariyo isbedelada sharciyada si ay ula jaan qaadaan heerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.[24]

Nuqulka Qaramada Midoobay wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqayaa faa’iidada ay leedahay in guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha uu soo bandhigo baaritaanada ay sameeyaan si kalsooni buuxada ay uga helaan shacabka oo ay u qanciyaan dadka dacwooyinka u keenay.[25]

Badellida aan ku talineyno
Sharciga qabyada ah waa inuu awood u siiyaa guddiga inuu ilaaliyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah oo ay ka mid yihiin xuquudada dhaqaalaha iyo bulshada iyo sharciga caalamiga ah ee garaarka aadanaha, iyo xeerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay.[26] Sharciga qabyada ah waa in lagu daraa ilaalinta xuquuqda dadka taagta daran sida haweenka, caruurta iyo barakacayaasha ee sida weyn ugu waxyeeloobay dagaalladii Soomaaliya. Qaar badan oo ka mid ah guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha ee Afrika ayaa haysto ogolaasho ay ku baari karaan tacaddiyada loo gaysto kooxaha tabarta yar; waddanka Malawi, guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha waxaa saaran waajibaad ay kamid tahay in ay horumariyaan xuquuqda aadanaha ee kooxaha tabarta daran sida caruurta, dadka aan aqoonta laheyn, dadka naafada ah iyo waayeelka.[27]

Iyada oo laeegayo faahfaahinta dastuurka kumeelgaarka ah iyo qorshaha sharciyada isbedalka ee caddaalada dalka Soomaaliya,[28] sharciga qabyada ah waa in uu dib u eegaa horumarinta caddaalda iyo garsoorka si loo xaqiijiyo in sharciyada kajira dalka Soomaaliya ay ahaadan kuwa waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.[29]

Ugu dambeyntii, usoo bandhigida shacabka hawlaha uu guddigu qabto waxa ay dhisaysaa kalsoonida ay dadka kuqabaan, waa in guddigu uu wax qabadkiisa u soo bandhigo shacbka dhamaan oo uusan kukoobin oo kaliya dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah. Sidaa darteed waa muhiim in qodobkaan lagu daro waajibaadka iyo awoodaha guddiga.

4. Awoodaha guddiga
Sharciga qabyada ah wuxuu awood u siinayaa guddiga in uu u yeeri karo cid waliba si ay xog u waydiiyaan, dukumiinti ama waxyaabo kale inta ay baaritaanka wadaan.[30] Waxa uu ogolaanayaa in ay iskood u baari karaan tacaddiyada kadhanka ah xuquuqda aadanaha; qodobkan ah awooda uu uleeyahay guddiga in iskii uu ubilaabo baaritaan ama marka ay soo gaarto codsiga qof cabanayo waxa ay u sahlaysaa guddiga in uu hawlihiisa guto iyada oo dawladdu aanay faragalineyn. Qaar badan oo kamid ah guddiyada qaran ee xuquuqda aadanaha ee Afrika waxa ay awood u leeyihiin in ay iskood u baaraan ama cabasho kadib ay baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha.[31] Qodobka ah in guddigu uu awood u leeyahay maxkamadeynta eedaysanayaasha waa mid aan cadeyn. Wuxuu leeyahay ‘in lahorkeeno maxkamad awood u leh eedaysanayaasha loo qabto ama lagu tuhunsanyahay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.”[32] Carqaladeynta iyo horistaagida hawlaha guddiga waa mamnuuc ama way reebantahay.[33] Sharciga qabyada ah waxa uu sidoo kale qeexayaa in guddigu uu adeegsankaro laamaha amniga ee dowladda si ay uga caawiyaan baaritaanada.[34]

Guddiyada xuquuqda aadanaha badal uma noqon karaan jiritaanka maxamadaha garsoorka ee dambiyda. Guddiyadu waa inay ka shaqeyaan sidii loo maxkamadayn lahaa tacaddiyada kadhanka ah xuquuqda aadanaha inta ay dawladu tillaabo qaadin.Xeerarka Paris waxa ay sheegayaan in guddiyada xuquuqda aadanaha ay leeyihiin awood ah in ay la socdaan xaaladaha xuquuqda aadanaha oo ay xubnahooda soo bandhigaan.[35] Waxa ay hoosta ka xariiqayaan in gudddiyada kale ee la awooda ah ay dhageysan karaan cabashooyinka ku saabsan ku tacaddiga xuquuqda aadanaha oo ay markaas u gudbiyaan hay’ad kale kadibna ay sameeyaan tala bixin ay kamid noqon karto in la bedalo sharciyada xuquuqda aadanaha ama dib u habeyn lagu sameeyo.[36] Xeerarku waxa ay guddiga ugu baaqayaan in ay yeeshaan awood ay wax ku xallin karaan kuna soo saari karaan go’aan kama dambays ah,[37] hasayeeshee tani micnaheeda ma ahan maxkamadeynta falal dambiyeedyada.

Nuqulka qaramada Midoobay waxa uu ku tala bixinayaa in guddiga la siiyo awood uu ku cuna qabateyo maamul ahaan iyo sharci ahaanba cid waliba oo hor istaagta awoodiisa iyo shaqadiisa.[38]

Bedellida aan ku talineyno
Sharciga qabyada ah waa in uu siiyaa guddiga awood ah in uu tagi karo goob waliba gaar ahaan xabsiyada oo ay kamid yihiin xabsiyada aan la aqoonsaneyn iyagoo aan fasax horay u qaadan. Sharciga qabyada ah waa inuu cadeeyaa in guddigu uu awood u leeyahay baaritaanka dhamaan hay’adaha dowladda oo ay kamid tahay waaxda nabad sugida.

Guddigu waa inuu helaa waajibaad ilaalin iyo qaab u suura galinayso in talooyinkiisa la meel mariyo; sidaa darteed qodobada la xiriira awoodaha guddiga ee ku xusan sharciga qabyada ah waa in la xoojiyaa oo si cadna loo qeexaa. Sharciga qabyada ah waa in uu cadeeyaa in guddigu leeyahay awood uu marqaatiyaasha ku qasbi karo si ay caddeyn u bixiyaan iyadoo laciqaabi karo haddii ay marqaati furiwaayaan. Guddiga waa in la siiyaa awood uu ku xaqiijin karo in hay’adaha kale ee dowladda ay hawlohooda qabsanayaan sida baarlamaanka, waaxda amniga iyo waaxda garsoorka. Sharciga qabyada ah waa in uu qeexaa in guddiga uu awood u leeyahay in uu u gudbiyo dacwooyinka qaar hay’ado kale ee awood u leh in ay dhagaystaan arrinta sida maxkamad sharciyeed siiba markii talooyin uu guddiga bixiyay la fulin waayay.[39] Guddigu waa inuu lahaadaa awood uu ku amri karo bixinta magdhaw. Ugu dambay, guddigu waa inuu lahaadaa awood uu ku soo rogi karo ganaax ama ciqaab ciddii horistaagta howlihiisa.

5. Maalgalinta
Sharciga qabyada ah wuxuu dowlada siinaya mas’uuliyadda maalgalinta guddiga si uu si wanaagsan hawlihiisa uguguto.[40] Xeerarka Paris, waxa ay qeexayaan in guddigu uu helaa maalgalin ku filan si uu hawlihiisa uguguto si wanaagsan oo kamadax banaan faragalinta dowladda.[41]

Badellida aan ku talineyno
Sharciga qabyada ah waa in wax laga badalo si loo caddeeyo in dowladda ay hubinayso in ay guddiga maalgalinayso oo ay siinayso qoondo la mid ah mida ay siiso hay’adaha kale ee dowladda. Waa in miisaaniyadda guddiga uu qoondeeyo baarlamaanka oo golaha xukuumada aysan qoondeyn.

 


[1]Jahmuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: Dastuurka kumeel gaarka ah, ee la meel mariyay 1-dii Agoosto, 2012-kii, ee dhaqan galay 19-kii Sebteembar, 2012(Dastuurka kumeel gaarka ah sida hoos ku xusan), http://www.constitutionnet.org/files/adopted_constitution_eng_final_for_... (accessed May 20, 2013), qodobka 111(b).

[2]Tani ma ahan qiimeyn dhameystiran balse waxaa diiradda lagu saarayaa qodobada ugu muhiimsan.

[3]Xeerarka Qaramada Midoobay ee la xiriira Qaabdhismeedka Hay’addaha Qaran (“Xeerarka Paris”), ee ku lifaaqan qaraarka 1992/54 ee Hay’addaha Qaran ee Horumarinta iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, oo ku dhaqan galay is afgaradkii Guddiga Xuquuda Aaadanada ee Qaramada Midoobay, ee bishii Maarso 3, 1992, ayna ku waafaqeen Kalfadhigii Guud ee Qaramada Midoobay ee ku soo baxay qaraarka 48/134, ee bishii Diseembar 20, 1993, http://www.un.org/documents/ga/res/48/a48r134.htm. Waafiqida Xeerarka Paris ayaa udub dhexaad u ah ogolaanshaha hoosta ka xariiqaya in hay’addaha qaran ee xuquuqda aadanaha ay ku biiraan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee Qaramada Midoobay.

[4]Human Rights Watch, ma xuquuqdeey ilaaliyaan mise way iska yeelyeelaan. Guddiyada Dowladda ee Xuquuqda Aadanaha ee Afrika, 1-dii Janaayo, 2001.https://www.hrw.org/reports/2001/01/01/protectors-or-pretenders.

[5]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, oo ay heshay Human Rights Watch, qodobka 10(3).F.GQiimeyntan waxay ku saleysan tahay tarjumudii dikumintigii asalka ahaa ee Af Soomaaliga ku qornaa.

[6]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 12(1).

[7]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 12(1).

[8]Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) ayaa waxa uu soo saaray nuqul lagu caawinayo sidii loo dhaqangelin lahaa Xeerarka Paris; dhab ahaantii meelaha qaarkood nuqulka wuxuu f aafaahinayaa wax ka baxsan Xeerarka Paris.Eeg OHCHR, “Hay’addaha Qaran ee Xuquuqda Aadanaha. Nuqulka Dhisida iyo Xoojinta Hay’addaha Qaran ee Horumarinayoa Ilaalinayana Xuquuqda Aadanaha” (“UN Handbook”), 1995, HR/P/PT4, http://www.refworld.org/docid/4ae9acb7289.html (waxaa la eegay 20-kii Mey 2013).

[9]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 8.

[10]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 9.

[11]Nuqulka Qaramada Midoobay, faqrada 78. Nuqulka Qaramada Midoobay waxa uu qeexayaa in lagu daro sababeynta iyo qeexida “qaababka magacaabida iyo shuruudaheeda, sida dhalashada, aqoonta iyo khibradaha, mudada xil heynta, in xubnaha dib loo magacaabi karo, yaa shaqo joojin ku sameyn karo xubnaha maxaana loo sababeyn, mudnaanta iyo xasaanada.”

[12]Nuqulka Qaramada Midoobay, faqrada 80.

[13]Gollaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Hannaanka, Aqoonsiga iyo Waxtarka: Hay’addaha Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, 2000, bogga. 112, http://www.ichrp.org/files/reports/17/102_report_en.pdf (waxaa la eegay Mey 20, 2013).

[14]Sharciga ay dejiyeen Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya sanadii 2011-kii wuxuu sheegayaa in loo bandhigo bulshada in ay codsiyo soo gudbistaan laguna xayeysiiyo ugu yaraan laba wargeys oo heer qarn ah. Waddanka Burundi, Gollaha Baarlamaanka waxa ay hal wargeys oo heer qaran ay ku shaaciyeen magacyada musharaxiinta inkastoo arrinkaa aan lagu caddeyn waajibaadka guddiga.

[15]Human Rights Watch, ma xuquuqdeey ilaaliyaan mise way iska yeelyeelaan, bogga. 17-aad; Xeerarka Paris, xeerka 3(a).

[16]Eeg tixraaca Gollaha Xuquuqda Aadanaha iyo Maamul Wanaagga (Hannaanka Magacaabida Xubnaha) Qaraaradii, 2001-dii (Wargelinta Dowladda No. 89 ee 11-ka Mey 2001) ee ku qoran buuga Peter, Chris Maina, ee lagu magacaabo “Human Rights Commissions in Africa – Lessons and challenges,” July, 2009, http://www.kas.de/upload/auslandshomepages/namibia/Human_Rights_in_Afric... (waxaa la eegay Mey, 20, 2013).

[17]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 7.

[18]Xeerarka Paris, xeerka 4(a-e).

[19]Eeg Human Rights Watch, ma xuquuqdeey ilaaliyaan mise way iska yeelyeelaan, bogga. 17-aad; Gollaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Hannaanka, Aqoonsiga iyo Waxtarka: Hay’addaha Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, bogga 112.

[20]Sharciga Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee waddanka Kiinya ee la dhaqangaliyay, 2011-kii http://cickenya.org/index.php/legislation/acts/item/221-kenya-national-c... (waxaa la eegay Mey 21, 2013), qodobka 13.

[21]Dastuurka Kumeelgaarka ah, qodobka 111.b.

[22]Xeerarka Paris, xeerka 4.

[23]Nuqulka Qaramada Midoobay, faqrada 87.

[24]Xeerarka Paris, xeerka 3.a.i.

[25]Nuqulka Qaramada Midoobay, faqrada 280, 281.

[26]Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Gaana waxa uu gaar ahaan leeyahay waajibaad ballaaran, oo ay ku jirto awooda ay u leedahay sharciga caddaalad darada, musuq maasuqa, si xun u addeegsiga awooda ee saraakiisha dowladda ee shaqeynaya, ficilada ay ku dhaqaaqaan shakhsiyaadka iyo hay’addaha ku xadgudbo xuquuqaha dastuurka, iyo waxyaabo kale. Eeg Sharciga Guddiga Xuquuqda Aadanaha, ee sanadii 1993, Sharciga 456 (Gaana), 6-da bishii Juulay, 1993, waxaa laga heli karaa http://www.refworld.org/docid/44bf7f804.html (waxaa la eegay 20-kii Mey 2013), qeybta 7.

[27]Eeg Human Rights Watch, ma xuquuqdeey ilaaliyaan mise way iska yeelyeelaan, bogga 206.

[28]Sharciga qabyada ah ee Soomaaliya ee ku aadan Qorshaha Caddaalada ee 2013-2015, sida ay ku hayso Human Rights Watch.

[29]Xeerarka Paris, xeerka 3.a.i.

[30]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 10(13).

[31]Tusaale ahaan, Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda waxaa loo xilsaaray in “ay iskood u bilaabaan baaritaanada cabashooyinka uu soo qudbiyo qof ama koox dad ah oo ku xadgudbay wax ka mid ah xuquuqda aadanaha.” Shariciga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda, 1997 (No. 4 ee 1997), http://opm.go.ug/assets/media/resources/400/UGANDA%20HUMAN%20RIGHTS%20CO... (waxaa la eegay 20-kii Mey, 2013), qodobka 7 (1).

[32]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 10(6).

[33]Ibid., qodobka 15(2).

[34]Ibid., qodobka 10(14).

[35]Xeerarka Paris, Qaababka Howgalka (a).

[36]Xeerarka Paris, xeerarka dheeraadka ah ee quseyo xaaladaha guddiyada leh awoodaha caddaaladeed iyo kartidooda.

[37]Ibid.

[38]Nuqulka Qaramada Midoobay, farqada 95.

[39]Guddiga xuquuqda aadanaha ee Gaana wuxuu leeyahay awood inuu qaado tallaabooyin kuhaboon in ay saxaan, dib ueegisna kusameeyaan kutacaddinta xuquuqda aadanaha oo ay kamid tahay in cabashooyinka la horkeeno maxkamad u qalanto. Eeg Sharciga Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee, 1993, (qodobka 456), faqrada 7(d).

[40]Sharciga qabyada ah ee Xuquuqda Aadanaha, qodobka 13.

[41]Xeerarka Paris, Xeerka 5.

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country