Soomaaliya: Weerar Lagu Hayo Wariyeyaasha

Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Islaamiga ah ee hubaysan ee Al-Shabaab ayaa waxay adeegsadaan xeelado xadgub ah, si ay saameyn ugu yeeshaan warbaahinta. Dowladdu waa in ay qaaddaa tallaabo ay ku mujinayso sida ay uga go’an tahay in ay soo afjarto hanjabaadda iyo tacaddiyada ka dhanka ah wariyeyaasha ee ay geystaan ciidammadeeda ammaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Baahida ay Soomaaliya u qabto warbaahin xor ah oo firfircoon ayaa muhiimad gaar ah waxay sii yeelanaysaa inta uu socdo hannaanka doorashada la qorsheeyay 2016.

Region / Country