(Nairobi) – Ciidamada nabad sugidda ee Keenya ayaa dhibaato baahsan oo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo waliba xoriyad ka qaad u geystay dadka jinsiyaddoodu ay Soomaalida tahay, sida ay Human Rights Watch ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta. Illaa iyo intii u dhaxaysay Nofembar 2011 iyo Maarso 2012, booliska Keenya iyo askartoodu dhibaatooyin isugu jira xadgudub iyo xarig sharci darro ah ayay u geysteen dad u dhashay Keenya iyo Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool gobolka Waqooyi- Bari taasoo jawaab ay uga dhigayeen weerarradii looga shakisnaa maleeshiyaadka ku lugta leh dhaqdhaqaaqa Islaamiyiiinta ururka al-shabaab ee Soomaaliya.

65–bog warbixin, “Talaabooyin Fal-dambiyeedka: Boliiska iyo milatariga keenya xadgudubyada ka dhanka ah dadka asalkoodu yahay Soomaalida,” waxa uu soo bandhigayaa caddeeymo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xaquuqul insaanka oo ay geysteen ciidamada xooga difaaca Keenya iyo Boliiska Kenya taasoo u muuqata ka jawaabid weerarro bambo gacmeed iyo walxaha qarxa (IED) oo lala beegsaday ciidamada nabadsugida iyo shacabka gobalka Waqooyi-Bari. Halkii la doonayay in baaris la sameeyo si dambiga loogu oogo ciddii fal dambiyeedka geysatay, Ciidamada Qalabka sida iyo Booliska Kenya waxaa ay ku jawaabeen aargudasho tacaddi leh in ay u geystaan dad u dhashay Kenya iyo Somaalida qaxootiga ah.

"Weerarradan oo ay geysteen kuwo looga shakisanyahay iney yihiin taageerayaasha al-shabaab ayaa ah wax aan loo dulqaadan Karin, hase yeeshee marnaba laguma jideysan karo tacaddiyadan aan kala sooca laheyn,” sida ay sheegtay Leslie Lefkow, ku simaha xiriiriyaha Afrika Human Rights Watch. “Booliiska iyo Ciidamada Keenya waxa ay ahayd iney difaacaan shacabka ee ma ahayn iney wax yeeleeyaan.”

Xadgugubyada ciidamada nabadsugidda ee ay soo ururisay Human Rights Watch waxaa ka mid ah kufsi iyo isku day faraxumeyn; garaacid; xarig sharci daro ah; handadaad; boob iyo hanti bur-burin; iyo falalkaloo badab oo hoos imanaya jirdil. Waxey Human Rights sidoo kale soo ururisay falal la xiriira biniaadanimo xumo iyo sharaf ka qaadis, sida iyadoo dhibanayaasha lagu qasbo iney biyo ku fariistaan iyo iney dhulka ku galgashaan. Dowladdu waxa ay balanqaaday in baaris ku sameynayso xadgudubyadan balse illaa iyo hadda askar ama boliis la xukmiyay, amaba loo heysto masuuliyadeeda ma jiraan.

Warbixinta waxa ay ku saleysantahay wareysiyo aan la yeelanay 55 dhibaneyaal kuwaasoo u badan dadka asalakooda Somaalida yahay, ee ku nool magaalooyinka Garissa, mandera, Wajeer xadgudubyada ay u geysteen ciidamada nabadsugidda marka lagu daro 20 qof oo qaxooti Somaali ah. Sidoo kale waxey Human Rights Watch wareysiyo kaladuwan la yeelatay qeybo ka tirssan mas-uulyinta booliska iyo milatariga, mas-uuliyiinta maamulka deegaanka, xubno ka tirsan baarlamaanka, iyo wakiilka Heyadda Qaramadamidoobay ee Qaxootiga (UNHCR), iyo ururada bulshada ee deegaanka Waqoyi-Bari.

Xadgudubyada ay ciidamada Difaaca ee Kenya ka geysteen Garissa waxa ay bilawdeen kadib markii ay dheceen dhowr weerar oo bambo gacmeed ah bartamihii November, sida ay Human right Watch ka warheyso. Dhamaadkii November ayaa ay askartu bartilmaameed sadeen guryo qaas ah oo la daganyahay, galitaanka xeryaha iyo iney garaacaan dadka halkaa ku sugan, marka lagu daro wiil arday 16-jir ah kaasoo gacanta ay ka jabiyeen intii uu weerarkeedu socday.

Intii u dhexeysay Nofembar iyo Janaayo ciidamada militariga ee ku sugan xerada Garissa ayaa hareereeyay shacab tiro badan iyo waliba darawaliin baabuurtooda dhigtay meel xerada ku dhaw, xadgudubna u geystay, iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin “al-shabaab” dadka dhibaatada loo geystay ayaa sidoo kale waxaa lagu qasbay in ay dul-fariistaan biyo wasaq ah intii ay baaristu ku socotay, in ay ku galgashaan dhulka xerada militariga dhexdeeda, iyo in ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo“exercises,” sida in ay u bodaan raha oo kale gees ka gees xerada dhexdeeda iyo in ay hal far dhulka inta ay ku mutaan ku wareegsadaan. In badan oo ka mida waa la jirdilay inta aanan lasoo deyn ka hor. Dhamaantoodna dambi waa lagu waayay.

17-jir waardiye ah oo ku nool Garissa oo ay garaaceen askarta Kenya ayaa u sheegay Human Rights Watch, “wax suaalo ah nama aysan weydiin, waxa ay bilaabeen in ay na garaacaan. Xitaa magacyadeena nama weydiin. Dhulka ayay na dhigeen oo na galgaladsiiyeen. Halkan wadada bartankeeda ah ayaan saacad barkeed ku galgalaneynay. Ka dib ‘eksersaaskii’, wey naga tageen, ka dibna wey soo laabteen bilaabeena iney na garaacaan mar kale. Waxey nagu garaaceen feer iyo kabahooda buudka ah. Jirkeyga dhamaan meel walba garaacista wey gaarsiiyeen meel ii nabad qabta majirto.”

Wax yar kadib makii ay qaraxyadu dhaceen bishii Nofembar iyo Desember askartu waxa ay tacaddi u geysteen shacabka ku nool Mandera iyo Wajeer. Hogaamiyayaasha bulshda waxa ay ogaadeen in ciidamo Keenyaan ah oo ay taageerayaan cutubyo ciidanka booliiska Kenya iyo ciidamo ka tirsan TFG-da in ay jirdil ugu geysteen Madera dad tiradoodu gaarayso 115 qof, taasoo u jirta hal kiiloo-mitir xudduuda Soomaalya. Bishii Desember waxey si sharci daro ah u ururiyeen oo ay si xun ula dhaqmeen dad ku dhow 56 qof maagaalada wajiir, qaar wey garaaceen waxaana ay ku qasbeen dhamaantood in ay wadada ku galgashaan iyadoo ay cadceeddu kulushahay.

Waxa ay askartu dadkaa shacabka ah qaarkood gaarsiiyeen dhaawacyo abaddiyan ah, waxaana ka mid ahaa islaan ayeeyo ah oo qabta xanuunka suuxdinta oo u jiifta dhaawacaas, iyo nin xoogsade ahaa oo aan mardambe qoyskiisa u shaqeyn Karin kadib markii ay qori dabadii ku garaaceen halkaana uu ku waayay laba ilig iyo qeb ka mida arigtida ishiisa.

Tacaddiyada ugu culus waxaa geystay ciidanka boliiska Dadaab, taasoo ay daganyihiin in ka badan 460’000 oo qaxooti ah una badan Soomaali. Dhowr qarax ka dib ayaa sababay dhimashada laba ka mida booliiska, booliiska ayaa ku qaaday xeryaha qaxootiga talaabo habeysan oo aargoosi ah . Waxey u galeen guri guri, waxeyna kufsadeen gabar qaarkalane wey faraxumeeyeen, waxaaney garaaceen caruur ay ka midyihiin 4 jir, waxey lunsadeen lacag gaareysa boqolaalkun oo doolar iyo hanti. Boliiska ugu yaraan laba qaxootiya oo ay garaacayeen, waxey ku yiraahdeen “ku noqda Soomaaliya.”

Qof dumar ah oo ay boliisku ku kufsadeen Dadaab ayaa u sheegtay Human Rights Watch:

Waxey ahayd kadib maalintii uu qaraxa ka dhacay suuqa….sadex boliis ayaa ii yimid waxaana ay yiraahdeen, “noo keen lacag” iyo “aaway ninkaagii?” sadexdoodiiba waxa ay bilaabeen in ay igu garaacaan ul bir ah. Korbay ii qaadeen [waxey I galiyeen] guriga dhexdiisa, waxaan ku qeylo dhaamiyay inaan ahay macalimad…laba ayaa baxday midna wuu haray oo guriga ayuu hoosta ka xiray waxaana uu furay shiinyeerka [sulwaalkiisa] isagoo gacantiisa midig ku haya qoorteyda. Waxaan bilaabay inaan qeyliyo oo aan la dagaalamo. Inta ay marxaladdaa socotay ayuu kastuumadii iga saaray iina soo jiiday xagiisa isagoo taagan, intii aan iska caabinayay xoogaa ka dib waxaan dareemay shahwadiisii oo waxeygii oo dhan ku kor daadatay.

Weerarrada qaraxyada ayaa ah kuwo u muuqda in ay jawaab u yihiin fara galinta ciidan ee Kenya ka waddo soomaaliya, howgal “Difaaca Waddanka,” kaasoo bilawday bartamihii Oktoobar in lagu daad-gureeyay dhowr kun oo ka tirsan ciidamada Keenya goobaha ay ka taliyaan al-shabaab. Bartamihii Febraayo ayaa ciidamada Kenya ka mid noqdeed qorshaha Ururka Midowdga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ciidan nabad ilaalin oo loogu talagay iney difaacaan Dowlada Federaalka Ku-meelgaarka Soomaaliya ee tabarta yar, ee la dagaalameysa al-shabaab.

Ma jiraan weerarro la taaban karo oo ay geysteen illaa iyo Febraayo maleeshiyaadka gobolka Waqoyi-Bari. Sidaas darteedna xadgudubyadii ay geysanayeen ciidamada nabadsugida ayaa yaraaday. Si kastaba ha ahaatee, markii ay Human Rights Watch wareysatay xubin ka tirsan baarlamaanka Keenya waxa uu yiri: “sida muuqata waxa ay u badantahay in uu sii soconayo dagaalku, [ciidamada nabadsugidda] waa in ay ka diktoonaadaan iney ku jawaabaan talaabaayinkan talaabooyin la mid ah mar kale…. Qalad qalad kuma sixi karaan.”

Wasaaradda Arrimaha Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Nabadgalyada labaduba waxa ay balan qaadeen in ay baaritaan ku sameynayaan xadgudubyadii iyo in waliba ciddii mas-uuliyadeeda yeelato [askar] loo edeyn doono. Wasaaradda Difaaca ayaa qaaday talaabooyin la xiriira arrimahan, waxeyna u xilsaartay guddi qaas ah oo wareysiyo la yeeshay dadkii la waxyeeleeyay ee ku sugnaa Garissa, Wajeer iyo Mandera, laakiin ma cadda talaabooyinka ay wasaaraddu qaadi doonto haddii ay warbixintu caddaato. Wasaaradda arrimaha gudaha ee nadabgalyada ayaa illaa iyo hadda tallaabo la taabankaro aan ka qaadin in ay baaritaan ku sameyso xadgudubyada.

Weerarka jawaabta u ah argoosiga ee ka dhanka ah Somaalida Waqoyi-Bari ayaa sii kordhiyay kalsooni darada ay ka qabaan dadka gobalka ciidanka nabadsugida, kuwaasoo u sheegay Human Rights Watch marar badab ka dib xornamadii, ciidamada nabad sugidda ee Kenya in ay dadka asalkoodu Soomaalida yahay u geysteen xadgudub uu wehliyo xorriyad ka qaad.

“Xadgudubyada ay geysanayaan militariga iyo boliiska Keenya ayaa sii fogeeyay dadka asalkoodu Soomaalida yahay ee gobalka Waqooyi-Bari waqti ay ku soo beegmeyso in ay xukuumadda Keenya oo xiligan u baahan kalsoonidooda iyo wada shaqeyntooda si loo hubiyo nabadgalyada dadka shacabka ah,” Lefkow waxa uu yiri. “Dowladda Keenya waa in ay qaaddo talaabo ay ku caddeyneso in aan loo dulqaadan doonin xadgudubyada loo geysanayo dadka asalkoodu hayahay Soomaalida, waana iney hubisaa in booliiska iyo askarka geysta xadgudubyada la marsiiyo sharciga.”